Allsomali24.com » Sheeko & Qiso

ABAALKAAD GASHO WUU KUU SOO LAABANAYAA. ▬ Qiso dhab ah.
Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin wuxuu arkay haweney waayeel ah oo dhinac taagan gaari Marsheedis ah (Mercedes), wuxuu soo aaday dhankeeda, markuu u soo dhawaday ayuu arkay in gaariga ay lug (taayer) ka banjartay, islmarkaana aysan awoodin in lugtaas ay gaariga ka badasho.

Xiliga oo habeen ahaa iyo wadada oo cidlo aheyd, haweyneydii markey aragtay ninkaan dhankeeda u soo socdo ayey ka shakisay, wayna ka cabstay inkastoo uu dhoola cadeynayay, muuqaalkiisa ayaa wuxuu ahaa nin duruuf ay ka muuqato, wasaq badan, baahi badana laga dheehan karay.

Isagoo dareemay in ay ka baqaneyso ayuu ku yiri, “Mama waxba ha cabsan aniga waxaan rabaa kaliya in aan ku caawiyo, magaceyguna waa Nuur.”

Nuur ayaa wuxuu bilaabay in uu gaariga lugta ka badalo, xoogaa kadib waxaa u suura gashay inuu badalo taayarka inkastoo gacanta uu dhawac fudud ka gaaray.

Mamadii ayaa u mahad celisay, waxayna waydiisay qiimaha lacageed ee uu doonayo in ay siiso maadaama uu shaqo u qabtay, Nuur ayaa ugu jawaabay “hadii aad dooneyso inaad aniga ii abaal gudo, waxaad caawisaa, markaad aragto qof dhibaateysan oo caawin u baahan sidii adiga aad ugu baahneyd oo kale, kadibna aniga isoo xasuuso.”

Sidaa ayaa lagu kala tagay dhowr Kilo Meter markii ay socotay ayaa mamadii waxay aragtay maqaayad (maqaaxi) yar oo wadada dhinaceeda ku taala, waxay aheyd maqaayad yar oo 4 kuraas kaliya taalo cuntooyin badana aan laga helin, kabalyeeriyada maqaaxidaasi joogtay ayaa waxay aheyd haweney, Maamadii gaariga wadatay ayaa dalbatay koob shaah iyo casho fudud, markii kabalyeeriyadii ay keentay ayey Mamadii dareentay in gabadhu ay uur qiyaastii 8 bilood ah leedahay, islamarkaana waxay is waydiisay waxa ku kalifay iyadoo sidaa u culus inay shaqeyso, balse way iska cadeed oo duruufta jirta wajigeeda ayaa laga dheehan karay.

Markii ay cashadii dhameysatay ayey u dhiibtay $100, gabadhii ayaa waxay aaday qaanada (qasnada) si ay sarif ugu raadiso baaqigana ugu soo celiso, balse markii ay soo laabatay waxay aragtay Mamadii oo meesha ka maqan, waxayna indhaheedu qabteen warqad yar oo miiska dul sarneyd, markii ay aqrisay ilin ayaa ka soo daadatay, waxaa ku qornaa warqada.

“Wax lacag ah kuguma lihi, qof ayaa hada ka hor I caawiyay sida aan ku caawinayo oo kale, saxanka hoostiisana waxaa ku jira $400 kale oo dheeraad ah, adiga ayaana iska leh.”

Habeenkaas maalinkii xigay ayey sii shaqeysay waayo iyadaa shaqada ku qorneyd, habeenkii dambe ayey gurigeeda aaday, markii ay guriga tagtay ayadoo sariirta jiifta ayey soo xasuusatay Mamadii waxayna layaabtay sida ay ku ogaatay baahida badan ee lacagtaas u qabeen iyada iyo saaygeeda, maadaama ay bil kadib rajeynayeen in uu cunug (baby) u dhasho, xaaladoodana ay aad u adkeyd, sidoo kale waxay ogeyd in gacaliyeheeda uu aad uga walwalsanaa sidii uu qarash-ka isbitaalka ku heli lahaa.

Isagoo dhankeeda midig jiifa ayey dhagta afka u saartay waxayna si cod dabacsan ah ugu sheegtay, “Macaane, Nuur wax walba waa ok, qarashkii aan u baahneyna anigaa haya.”

Waxaa Qoray: Cabdijaliil Maxamed Carab

abdeljalil6@gmail.com

SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA. ▬ Jaceylka waalidka.
Inta badan caruurta marka ay yar yihiin waxay aaminsan yihiin in waalidkood uu xaasid ku yahay, kana soo horjeedo horumarkooda, balse taasi badalkeed waalidiintu waxay caruurtooda u qabaan jace

yl aan xad laheyn, waxayna ka fakaraan horumarka caruurtooda badalkii ay ka fakari lahaayeen horumarka naftooda.Hada ka hor ayaa wiil dhalin yara ah waxaa uu aad u dhibsaday aabihii, isagoo rumeysnaa in aabihiis uu caqabad ku yahay jiritaanka noloshiisa, sababtuna waxay tahay odayga caruur dhan wuxuu kalahaa wiilkaas kaliya, wuxuuna wiilkiisa ka codsaday in ay guri kuwada noolaadaan xitaa markuu guursado.

wiilka ayaa wuxuu u arkayay hadii uu guursado in ay haboon tahay in uu meel gaar ah dego, laakiin kama uusan fakarin in aabihiis kali yahay oo hooyadii ay mar hore geeriyootay, odaygana aysan u joogin caruur kale.

Maalintii dambe wiilkii wuxuu guursaday gabar uu jeclaa, guri ka fog halkii uu aabihii daganaa ayuu dagay, mudo ka dib waxaa loo dhalay wiil.

Gabadhii xaaskiisa aheyd oo ogeyd in wiilkana aabihii ka tala diiday ayaa markii ay umusha ka baxday waxay qaaday wiilkii yaraa waxayna u geysay hooyadeed, ninkii dhalinyarada ahaa markii uu habeenkii guriga yimid ayuu wuxuu arki waayay wiilkii yaraa ee uu dhalay, asagoo argagaxsan ayuu xaaskiisa waydiiyay halka ay wiilka geysay.

Gabadhii ayaa ugu jawaabtay gacaliye waa naga fogeeyay cunuga yar si aan labadeena nolosha ugu raaxeysano, oo hoyadey ayaan u geeyay, ninkii dhalin yarada ahaa ayaa qeyliyay oo afka furtay isagoo dhahaya “maxay tahay raaxada aad sheegeyo, aniga oo aan wiilkeyga arkin nolosha dhadhan iima laha xitaa caawa ma seexan karo waa inaa hada si dhaqso ah u keentaa.”

gabadhii ayaa ugu jawaabtay ka waran wiil 40 maalin kaliya dunida joooga ayaa sidaa ugu waalaneysaa, ma qiyaasi kartaa aabihii ku dhalay ee dhowr iyo labaatanka sano ku soo korinayay ee aad cidlada uga tagtay xaalada uu ku sugan yahay!!!!

Wiilkii ayaa garowsaday qaladkiisa, subaxdiiba waxay meel wada dageen aabihii iyo familkiisa cusub.

Faa’iido: marna ma dareemi karno jaceylka ay waalidkeen noo qabaan ilaa aan caruur dhalno.

Allahayow waalidkeen xifdi una naxariiso oo Janatul Firdows gee.

Waxaa Qoray: Cabdijaliil Maxamed Carab.

abdeljalil6@gmail.com

Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.

info@allsomali24.com

webmaster@allsomali24.com

Sheeko qalbiga taabaneysa “Wiil iyo Aabihiisa”, Akhri kaddibna Daawo VIDEO-ga
Wiilka oo gacanta ka qabtay Aabihiisa oo xanaaq la istaagay / Allsomali24 screen shot.

Nairobi (Allsomali24):Wiil dhalin yara ah iyo aabihii ayaa subax jawigu dagan yahay waxay wada fadhiyeen kursi ku yaala daarada hore ee gurigooda. Wiilka ayaa waxa uu aqrinayay joornaa.

l maalinle ah oo subaxaas soo baxay, iyadoo xaalku sidaa yahay ayaa shimbir yar agtooda ku soo dagtay, aabihii wiilka dhalay ayaa wuxuu wiilkiisa waydiiyay, waa maxay? isagoo farta ku taagaya shimbirta, wiilkiisii ayaa ugu jawaabay, waa shimbir.Shimbirtii oo marba dhan uu haadeysa ayaa mar kale geeskooda soo istaagtay, odaygii ayaa hadana mar kale waydiiyay, wiilkii oo yara careysan, hadalkana adkeynaya ayaa yiri, “Aabe waa shimbir soo hada kuuma sheegin.

” Mar saddexaad iyo mar afaraad ayuu hadana aabihii wiilkiisa waydiiyay isla su’aashii, markaan wiilkii dhalin yarada ahaa furka ayuu tuurtay xanaaq dartiis isagoo qeylinaya ayuu yiri, “Maxaa sameyneysaa, waa kuu sheegay marar badan waa shimbir, wax ma fahmeysid miyaa adiga,” iyo hadalo kale oo aan munaasab ku aheyn inuu aabihii kula hadlo.

Odaygii ayaa istaagay guriga ayuu galay wuxuu soo laabtay isagoo wata buug xusuus qor ah oo uu lahaa, wiilkii ayuu soo agfariistay, bog ay wax ku qoran yihiin ayuu u soo saaray, wuxuuna u dhiibay wiilka, isagoo ka dalbaday inuu kor u aqriyo. Qoraalkii uu wiilka aqriyay ee xusuus qorka aabihii ku qornaa ayaa wuxuu ahaa sidaan hoose.

“Maanta wiilkeyga ilmaha ugu yar ayaa i ag fadhiyay isagoo maalmo ka hor ay u buuxsantay saddex sano, waxaa agteena mar walba imaanayay shimbir, wiilkeyga yarna wuxuu ii weydiiyay 21 jeer su’aal aheyd “waa maxay aabe? oo uu ula jeeday shimbirta, aniguna waxaan ugu jawaabayay waa shimbir, mar walba oo uu su’aashaas i weydiiyana hab ayaan siinayay oo laabteyda ayaan ku qabanayay, anigoo aan ka caroonin su’aasha uu igu celcelinayo.” Wiilkii oo garowsaday qaladkiisa ayaa aabihii isku duubay, kadibna raali galiyay.

FAA’IIDO: Waalidkaa inta ay kuu soo dulqaateen wax la xisaabin karo maaha, waxyar oo aan micno laheyn hakula murmin ama haku qeylin waalidkaa, ogow in abaalka ay kuu galeen aadan marna gudi karin wax walba oo aad sameyso.

Halkan ku dhifo si aad u Daawato VIDEO-GA WIILKA IYO AABIHIISA.

Diyaariye //  Cabdijaliil Maxamed Carab

abdeljalil6@gmail.com

Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.

info@allsomali24.com

webmaster@allsomali24.com

Dhowaan filo insha allaah…
Dhowaan filo insha allaah…

Mahadsanidiin