Allsomali24.com » Arrimaha bulshada

Gabar Afar jir ah oo Mushaar bishii u qaadaneysa 12 kun oo dollar!
USA:- (Allsomali24.com) Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa aad u hadal haya gabar yar oo afarsano jir ah oo mushaar ahaan u qaadaneysa bishii laba iyo Toban  kun oo dollar, taasoo layaab ku noqotay dad badan oo ku nool caalamka.

Gabadhan yar oo lagu magacaabo Viviana ayaa iska dhalay labada Jilaa ee caanka ah ee kala ah Angelina Jolie iyo Brad Pitt ayaa qeyb ka jili doonta Filim cusub oo lagu magacaabo Maleficent oo ka hadlaya qiso lagu magacaabay Hurdada Qurxoon (Sleeping beauty).

Viviana ayaa todobaadkii qaadaneeso saddex kun oo dollar, oo ay usii dheertahay lixdan dollar maalin walba oo la sameynayo Filimkan.

Angelina Jolie oo ah hooyada dhashay gabadhan yar ayaa noqon doona doorkeeda filimka Haweeney sixirrey ah, filimkan ayaana la sheegay in ay sugayaan dad badan oo aad u daneynaya daawashadiisa.

Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida. info@allsomali24.com, webmaster@allsomali24.com

Daawo Muuqaal muujinaya burburkii dalka, dad masaakiin ah oo la dhacay, lana dilay
Muqdisho (Allsomali24): Warbaahinta Allsomali24.com, waxaa u suurta-gashay inay idin soo gudbiso VIDEO muuqaal ah, kaasi oo uu ka muuqdo burburkii dalka Soomaaliya 20-kii sano ee la soo dhaafay, iyo dad masaakiin ah oo hantidooda la dhacay, lana dilay.

Halkan dhag sii si aad u Daawato VIDEO-GA iyo dhibaatooyinkii ka dhacay dalka.

Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.

info@allsomali24.com

webmaster@allsomali24.com

Caasha X. Cilmi “waa waddani Soomaaliyeed oo leh xilkasnimo, karti, aqoon iyo hufnaan”
Caasho Xaaji Cilmi

Muqdisho (Allsomali24): Waqtigu wuu soconayaa, taariikhdu way qormeysaa, adduunyadu waa gelinba ceyn, aadanuhu wuu dhalanayaa, wuuna dhimanayaa, dadku waari maayaan, wax baase ka haraya, samaan iyo xumaan tii ay noqotaba xusuus baa jireysa diiwaanka ku xarriiqanta. Waa dabeecadda nolosha in lagu soo hal-qabsado beri hore waxaa jiray, tiiyoo laga gaabsado waxa taagan ee isu tilmaanka iyo ku dayashada mudan. Soomaalida loogama baran qof aan dhiman inay wanaaggiisa sheegto, haa loogama baran qof nool inay ku ammaanto waxqabadkiisa.

Ummaddeenna wuxuu Alle ku galladay  dad xulanti ama kaalin-qaad ah oo garaad badan. Balse waxaa jira shakhsiyaad dhaliilo iyo ceebaal u raadiya qofkii dedaal u gala wax u qabashada bulshada, waxayna ku suntaan dabeecado iyo hab-dhaqan aan ka suuroobin. Markii la magacaabay raysul wasaaraha waxay ku eedeeyeen inuu yahay nin ay xaaskiisa daaha gadaashiisa ka hagto, illeen waa ummad garaad beeshaye, maxaa mudane iyo marwadiis is-maamulkooda iyo is-hagistooda ceeb ka dhigay?. Kaba darane qofta ay farta ku fiiqayaan waa Dr. Caasho Xaaji Cilmi, oo ah aqoonyahan hoggaanka u haysa hablaha nabadda iyo hurumarka soomaaliya u heellan.

Waxaa ka mid ah xildhibaan Dr. Asha Haji Elmi oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo qeyb ka qaadatay nabadda, dib-u-heshiisiinta, horumarka, caafimaadka, waxbarashada, shaqo-abuurka iyo sidii ay haweenka Soomaaliyeed saami fiican uga heli lahaayeen awood-qeybsiga hay’adaha dowladda, carruurtuna ay u heli lahayd daryeel, waxbarasho iyo xuquuq dhammeystiran, waxayna arrimahaas ku bixisay waqti iyo dhaqaale badan.

Waa waddaniyad daacad ah oo ka hufan eex, caddaalad-darro iyo qabyaalad. Waa geesiyad dhiirran oo awood u leh inay runta ka hadasho marka aanay in badan oo bulshadeenna ka tirsani sidaa u bareeri karin. Waa codka rajada dhiirrigeliya oo ku guubaabiya haweenka iyo aqoonyahannada inay midnimo iyo iskaashi ku dhisaan qarannimo taam ah.

Doorka haweenka

Xilli aanay dumarka Soomaaliyeed qeyb ka ahayn geeddi-socodka nabadda ayay Caasha Xaaji Cilmi u istaagtay dedaal ay ku doonaysay in haweenka wax laga wadaajiyo talada dalka. Waxay qeyb ka ahayd shakhsiyaadkii u dhaqdhaqaaqay in dumarka soddon boqolkiiba laga siiyo baarlamaanka Soomaaliya.

Haweenka waxaa u soo hoyatay guul weyn oo taariikhi ah mar haddii ay xukuumadda Soomaaliya ku yeesheen labo wasaaradood oo waaweyn oo muhiim ah.

“Qofta haweeneyda ah wax ay dhashay iyo wax iyada ka farcamay bay leedahay ee tol iyadu ma leh, qabiil ay sheegatana ma leh” ayay tiri Caasha mar ay ka hadleysay dhibaatada dagaallada ka soo gaaray dumarka, fikraddaas oo ah meesha ay ka keentay inay haweenku qabiil yeeshaan, kaas oo arrinta ugu weyn ee uu ka shaqeeyo ay tahay nabadda.

Nolosheeda iyo waxqabadkeeda oo dhan waxay u hibeysay sidii ay dedaalkaas uga miro-dhalin lahayd. Shirkii dib-u-heshiisiinta ee Soomaalida loogu qabtay dalka Jabuuti sanadkii 2000 (Shirkii Carta) waxay Caasha gaysay fikradda ah inay haweenku noqdaan beesha lixaad si ay fursad ugu helaan ka qeyb galka horumarka iyo siyaasadda dalka min degmo ilaa heer qaran. Soomaalidu waxay markaas wax ku qeybsanaysay afar beelood iyo bar oo u dhigmi karta shan beelood.

Waxay sanadkii 1992-kii wax ka aasaastay, isla markaana ay madax ka noqotay Ururka Badbaadinta Haweenka iyo Dhallaanka Soomaaliyeed (Save the Somali Women and Children – SSWC). Waxay waxbarasho lacag la’aan ah u fidisay gabdho yaryar oo Soomaaliyeed. Waxay u dooddaa xuquuqda dadka dulman, gaar ahaan haweenka. Waxay maalgelisay xarumo ka shaqeeya caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

Siyaasadda

Caasha Xaaji Cilmi waxay bishii January ee sanadkii 2004 ahayd haweenayda keliya ee wax ka guddoomisay wejigii ugu dambeeyey ee shirkii dib-u-heshiisiinta qaran ee Soomaalida loogu qabtay dalka Kenya, iyadoo ahayd haweenaydii ugu horreysay ee wax ka saxiixday heshiiskii nabadeed ee shirkaas lagu gaaray.

Waa siyaasiyad aaminsan inaan qalalaase lagu raadinin isbeddel.

Caasha waxay ka mid noqotay baarlamaankii kumeel gaarka ahaa ee Soomaalida loogu dhisay Kenya 29-kii August 2004, waxayna xilkaas haysay tan iyo sanadkii 2009.

Hadda waxay xubin ka tahay baarlamaanka Soomaaliya loo dhisay bishii August, 2012 kaasoo sida uu qorshuhu yahay shaqeynaya afarta sano ee soo socota. Waa baarlamaankii ugu horreeyay oo rasmi ah wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Aragtideeda siyaasadeed ee colaadda Soomaaliya mar ay cabbirtay waxay tiri “anigu waxaan iraahdaa dadka Soomaalida ah ma dirirsanayn ee siyaasado ayaa diririsanaa, siyaasadihii baana loo adeegsaday inay cadaawad dhex marto”.

Nabadda

Caasha waxay rumeysan tahay nabad in la dhiso inay u baahan tahay geesinnimo. Muddadii ay burburka ku jirtay Soomaaliya waxay u dhaqdhaqaaqaysay in la helo xasillooni iyo nabad, dedaal dheer bayna arrintaas u gashay waana tan keentay in sanadkii 2001 uu Xiriirka Nabadda Adduunka (International Federation of World Peace) u magacaabo ergay-nabadeed.

Sanadkii 2003 waxaa Caasha la guddoonsiiyay abaal-marinta la siiyo dadka u soo halgamay nabadda ee wax wanaagsan u qabtay bulshadooda.

Caasha waxaa sanadkii 2005 ay ka mid noqotay kun gabdhood oo loo xushay in laga dhex doorto qofkii la siin lahaa billadda Nobel Peace Prize.

Shakhsiyadda

Waa hooyo Soomaaliyeed oo leh karti iyo hufnaan, waxay hooyo u tahay soona barbaarisay qaar ka tirsan dhallinyarada ugu tayada iyo tacliinta badan Soomaaliya. sidoo kale, waxay aasaas u tahay qoys guuleystay marka loo eego heerka aqoonta carruurteeda iyo saygeeda oo hadda ah raysul wasaaraha Soomaaliya, waa halka laga yiraahdo (Nin kasta oo guuleysta waxaa guushiisa ka dambeysa haweenay wanaagsan oo garabkiisa taagan).

Waxay kaalin firfircoon uga jirtaa dedaallada lagu horumarinayo nolosha bulshada Soomaaliyeed iyo dhinacyada siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

Dr. Caasha Xaaji Cilmi waxay ka qalinjebisay kulliyaddii dhaqaalaha ee Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalena waxay shahaadada mastarka ka qaadatay qeybta maamulka ganacsiga ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Mareykanka (US International University) – Laanteeda Nairobi.

Caasha waa halyey ay ku daydaan dhallinyaro badan oo jecel inay diintooda, dadkooda iyo dalkooda waxtaraan oo kaalin libaax ay ka qaataan halganka iyo ruclaha loogu jiro tartanka dhinaca horumarka ee dunida. Allow dhowr oo guulee Caasha iyo inta la midka ah….Aamiin.

W.Q: Khaliif Cali Guure.

Allsomali24.om, Madasha Wararka Soomaalida.

info@allsomali24.com

webmaster@allsomali24.com

Darawaliinta dalka Holland oo qaati ka taagan kaamirooyinka qarsoon (XOG+Sawirro)
Waddooyinka waa weyn ee dalka Holland oo ku xiran kaamirooyinka qarsoon

Holland (Allsomali24): Darawaliinta ku cusub dalka Holland ee kaxeysa gadiidka xamuulka ah iyo kuwa yar yar ayaa waxaa ay walaac ka muujiyeen kaamirada qarsoon ee ku gadaaman waddooyinka hareeraheeda.

Dalka Holland waa dal ku tiirsan dhaqaalihiisa canshuurta laga qado shacabka, waxaa kaloo uuu ku tiirsan yahay dalaga beeraha oo loona iib geeya dibedaha.

Darawaliinta iska dhex-gudubta waddamada Yurub iyo magaaloyinka waa weyn ee dalka Holland ayaa waxay walaac ka muujiyen kaamirada qarsoon taasoo ay shaqooyinkooda ay kuwaayeen darawaliin badan, aygoo doorbiday in ay yareeyan socodka xowliga gaadiidka, dib u dhac ku yimid shaqooyinkoodii markii shirkadaha lookeenay waraqdo ganaax ahi lana doonayo in ay ku bixiyaan sida ugu dhasiyaha badan.

Mid ka mid ah darawaliinta wada gaadiidkaasi oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa warbaahinta Allsomali24.com u sheegay in bishiiba ay bixiyaan lacago ganax ah oo gaaraya ku dhowaad seddex boqol oo Ero, hadeysan lacagahaasi ay muddadii loo qabtayna aysan dhiibin ay siilaba jibaarmeyso.

Dhanka kale, darawaliinta kaxeysa gaadiidka yar yar ayaa waxaa ay u shaqa tagaan magaalooyinka waa weyn, iyagoona markaasina ku soconaya xowli waxay la kulmaan ganaax lamfilaan ah.

Waddooyinka dalka Hollanda majiran wax tarafik ah ee kalahaga gaadiidka, waxaa isgoys waliba ku dhagan kaamiro qarsoon oo meelaha fogfog wax ka sawirta habeen iyo maalina ay isku mid tahay xaga sawirrada.

Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.

Bashiir Jiidaal Barrow (LLPP).

Dutch – Holland

Sakariye iyo Cabdiweli u gargaar, waa labo wiil oo ku xannuunsan Muqdisho (Sawirro)
U gargaar walaal wiilkan yar ee ku xannuunsanaya magaalada Muqdisho

Muqdisho (Allsomali24): Labadan wiil ee Caruurta ah ee ku xanuunsan in mudo ahba Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu kala magacaabaa C/weli Xuseen Suldaan Cabdi oo 4 Sano jir ah  iyo  Zakariye Yacquub Cabdi, da,diisana waa 3 sano jir,labadan Wiil oo isku qoys ka soo jeeda ayaa mudo sanad ka badanba waxaa haya Cuduro ay ka mid yihiin Pralass iyo Xanuunka Nerfayaasha  ah ilaa labo Sanabo hayey.

Cudurada haya labadan Wiil oo u baahan in ay helaan dhaqaatiir Caalami ah ayaa keenay in noloshoodu ay adkaato,islamarkaana Waalidiintooda oo ka soo jeeda Qoysas  Sabool ah ay awoodi waayeen in Caruurtani ay helaan Adeeg Caafimaad,maadama Waalidiinta dhaley Caruurtan Xilligan ay la Daala dhacayaan daruufo nolol xumo,islamarkaana ay ku adag tahay xitaa bixinta Nolol Maalmeedka,iyaga iyo Caruurtooda.

Suldaan Cabdi Nirgoole oo ah Awoowaha labadan wiil ee Xanuunsan ayaa sheegay in xanuunka haya Labadan Wiil in ay ku dhasheen,islamarkaana gudaha dalka wax looga qaban waayey,waxayna u baahan yihiin ayuu yiri Dhaqaatiir Caalami ah oo Qaliino ku sameysa jirkooda,kuwaasi oo uu sheegay in ay ku sugan yihiin Magaalooyinka Nairobi iyo Adis Ababa,isagoo tilmaamayna in ayan awoodin Dhaqaalahii ay ku bixin lahaayeen Caafimaadka Caruurtaasi.

Si labadan Wiil ee Caruurta ah wax loogu qabto ayaa waxaa laga codsanayaa Ummada  Soomaaliyeed oo ku nool dalka Gudahiisa iyo Dibadiisaba in ay gacan ka geystaan sidii Walaalahooda dhibaateysan ay gacan ugu fidin lahaayeen,Ogow waxii aad Sadaqo ula baxdidna in ay kaaga horeyso Aakhiro.

U gargaar walaal Sakariye oo ku xannuunsanaya magaalada Muqdisho

U gargaar walaal Sakariye oo ku xannuunsanaya magaalada Muqdisho

U gargaar walaal Cabdiweli oo ku xannuunsanaya magaalada Muqdisho

U gargaar walaal Cabdiweli oo ku xannuunsanaya magaalada Muqdisho

FG:Haddaba haddii aad doonaysid in aad ka qeyb qaadatid Gargaarka loo fidiniyo labadan Wiil ee Xanuunsan,waxii Sadaqo ah ee aad awoodid ku Hagaaji .

Yaquub Cabdi Isaaq

Cellphone. 0025261-5559443

00252699737741

E-Mail: yakoub_43@yahoo.com

E-Mail  yakoub43@gmail.com

iyo Suldaan Cabdi Maxamed Nirgoole

Telefoonkiisa:  00252618527958

Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.

info@allsomali24.com

webmaster@allsomali24.com

(DAAWO VIDEO) 19 sano jir Soomaaliyeed oo Madaxa Laga toogtey Allaahna badbaadiyay
Dhibane, Cabdikariim Cadaawe Cali Geedow

Cape Town (Allsomali24): Koox Burcad South Afrikan ah ayaa Madaxa ka toogatay Cabdikariim Cadaawe Cali Geedow oo ah 19 Sano Jir Soomaali ah xilli uu ka shaqaynayay Dukaan ku yaala Xaafad ka mid ah Magaalada Cape Town Ee Wadanka Koonfur Afrika.

Dhibane C/Kariin Cadaawe Cali oo aan Kula kulmay Gudaha Xaafada ay soomaalida ka dagan tahay magaalada Cape Town ayaa waxa uu ka sheekeeyay dhibaata xoog badan oo uu kala kulmay dhaawac kii ugu halista badnaa ee ka soo gaaray Madaxa.

Dhibanaha ayaa waxa uu Ku sugnaa Goob Dukaan ah Markii ay Kooxdan Burcada ah soo weerareen xili ay shaqadooda wateen balse ay isku dayeen in ay iska difaacaan Rasaasta Burcada soo ridaysay wallow dhaawac halis ah loo gaystay ka gadaal Markii Buracadii soo weerartay ay Madaxa ka toogteen.

“Allaa i badbadiyay Xabada waxa ay iiga dhacday Madaxa sida u jeedo….Lafaha dhan waa jajabisay waxayna dhex fariisatay Xuubka Maskaxda ,dhaqtarka ayaa goostay in uu daadiyo Lafaha dhan hada ma lihi wax laf ah oo Madaxayga qeybta Midig Maskaxda iyo Maqaarka ayaa is dulsaaran…” ayuu Yiri Dhibane C.Kariin Cadaawe oo dareen ahaan Qadarta Alle ku qanacsanaa.

Dhibane CabdiKariin Cadaawe Cali Waxa uu aad ugu taagtaagsaday Nolosha dhabta ah Ee South Afrika ku haysta isaga oo aan hada haysan wax Caawinaad ah waxa uuna cadeeyay in Dukaankii uu shaqaalaha ka ahaa la geeyay Booskiisa qof kale haatana aanu haysan cid ka saacida xaga Nolosha iyo Caafimaadka.

“Hada Rajadaydii in aan ka sii shaqeeyo dalkan waa isku dhamaatay…aniga ma u maleeneen in aan Halkan ku waynayo Laxaadkayga ..Indhaha dareen la’aan ayaan ka dareemayaa…Gacmaha iyo Afka sidoo kale Neerfaha ayaa wax gaareen..Maskaxdeydana Mararka qaar Taam ma ahan ….” Ayuu Yiri Dhibane Cabdikariin.

Waraysiga uu Wariye Abdirizak Kampala ka qaaday Dhibanahan oo waqti badan qaatay ayaa waxa uu Dhibanahan ugu dambeyn Video-ga dhexdiisa ku codsaday Gargaar Noloshiisa ah iyo Cid ka saacida Nolosha waxa uuna Xusay in uu Yahay Agoon Hooyadiisna ay ku xanuunsanayso Wadanka Tanzania.

Xaalada Ammaanka Soomaalida Ee Wadanka Koonfur AFrika ayaa ah mid aad u liidata waxana mar waliba la dilaa,la dhacaa lana wax yeeleeyaa Dhalinyarada u xoogsi tagtay Tuulooyinka wadanka iyada oo aanay jirin cid wax iska waydiisa dadka lagu dhibaateeyo iyo kuwa lagu toogto wadankani Koonfur Afrika.

Hadaba si aad u gargaarto Walaalkaa Dhibane Cabdi Kariin Cadaawe Cali waxa aad kala xiriiri Karaysaa Telfonadan :-+27737916680 Ama +27732488641.

DAAWO VIDEO-GA DHIBANAHA SOOMAALIYEED:

<object width="500" height="400" classid="clsid:d27cdb6e-ae6d-11cf-96b8-444553540000" codebase="http://download.macromedia.com/pub/shockwave/cabs/flash/swflash.cab#version=6,0,40,0"><param name="allowFullScreen" value="true" /><param name="allowscriptaccess" value="always" /><param name="src" value="http://www.youtube.com/v/-azGWrOVTJs?version=3&hl=en_US" /><param name="allowfullscreen" value="true" /><embed width="500" height="400" type="application/x-shockwave-flash" src="http://www.youtube.com/v/-azGWrOVTJs?version=3&hl=en_US" allowFullScreen="true" allowscriptaccess="always" allowfullscreen="true" /></object>

Diyaariye: Abdirizak Yusuf Kampala

Kambaala77@gmail.com

Cape Town South Africa

(Dhageyso) Natiijo Laga Soo Saaray Dilkii Sheekh Axmed Xaaji
Allaha u naxariisto, Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

Boosaaso (Allsomali24): Natiijada hor-dhaca ah oo ku saabsan Baaritaanka Dilkii Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, ayaa la soo bandhigay, iyadoo lagu magacaabay dad dilkaasi lala xiriirinayo.

Guddi loo xilsaaray inay soo baadhaan dilkii Sheekhii caanka ahaa ee Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmana oo bishii Diisambar ee sannadkii aynu soo dhafanay ee 2011-ka lagu dilay magaalada Boosaaso ayaa dhowana daabacay natiijada horhdaca ah ee baadhitaankooda.

Guddigu waxay sheegeen in dilkaasi ay ka dambeeyeen toddoba xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabab kuwaasi oo ka amar qaadanayey Amiirka Al-Shabab Axmed Cabdi Godane.

Sidoo kale gudidgu waxay baraha internetka ku daabaceen dokumentiyo iyo cajalad ay sheegeen inay qiraal ku samaynayaan laba ka mid ah dadkii dilkaasi ku lugta lahaa.

Natiijo Hordhac ah oo Laga Soo Saaray Dilkii Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

Dhinaca kale Mid ka mid ah dadka guddigu magacaabeen inuu ku lug lahaa dilkaasi waa nin lagu magacaabo Xasan Jaamac Xasan “Xasan Surato” oo ku nool dalka Maleesiya.

Dhageyso Wareysiyada Ninka gudiga ka tirsan ee magaciisa qariyay iyo Xasn Surato oo eedeynta ka jawaaba.

Dhageyso Wareysiyada Baarista Dilkii Sheekh Cabdiraxman

Xigasho – Voa Somali

Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.

info@allsomali24.com

webmaster@allsomali24.com

(Daawo Sawirrada) Dadkii ka dambeeyay dilkii marxuum Sh. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan
Allaha u naxariisto, Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

Boosaaso:-Xafiiska warbaahinta Allsomali24.com ayaa waxaa u suurta gashay inay soo gaaraan magacyada iyo weliba sawirada dadkii dilay allaha u naxariistee Sheekh. Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo lagu dilay magaalada Boosaaso  05 December ee sanadkii tegay 2011-ka .

Mareegta Allsomali24.com ayaa soo xiganeysa shabakadda lagu magacaabo Halgan.net oo si rasmi ah u go,aansatay in sawirada dhagarqabayaashii dilka geytay sawiradooda iyo da’dooda la faafiyo inagoo sheegi doona qof walba wax uu  ahaa , inta qof ee dilka loo hayo kooxda ay ka tirsanaayeen haddii alle idmo dadka Muslimiinta ee Soomaaliyeed ee duniada daafa heeda jooga ayaa waxaa ay ku farxi doonaan warbixintaan aan  ka hellnay xalay gudi baaritaan oo loo xilsaaray dilkii Sheekh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ka kooban culimo iyo khubaro loo xushay baaritaan Sheekh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan gudigaas oo howsha loo igmada maalintii la dilay Sh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan ka dib.

Hoos ka Akhriso warsaxaafadeedka ay soo saareen gudi madax banaan oo loo saaray dilkii Sheekh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Warsaxaafadeed

Ku: Dhammaan Warbaahinta ka hawl-gala deegaamada Soomaliyeed

Ujeeddo: War-saxaafadeed ku aadan dilkii Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

Guddiga madaxa-banaan ee Baarista dilkii Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan waa guddi ka kooban culimo, aqoonyahano iyo dad khubaro ah, waxaana la aasaasay maalintii la dilay Sheekha Alle ha u naxariistee, oo ahayd 05 December 2011.Guddiga madaxa-banaan ee Baarista dilkii Sheekha waxay shacabka Soomaaliyeed iyo warbaahinta caalamkaba u soo bandhigayaan warbixintaan oo ka hadlaysa dilkii Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Taariikhdu markay ahayd 05/12/2011, salaadii subax kadib ayaa ugu yaraan labo nin oo baastoolado ku hubeysan waxay toogteen Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, Allaha u naxariistee, isaga oo ka soo baxay masjidka Xasan Ibni Cali ee xaafadda Biyo-kulule ee magaalada Boosaaso.

Ka dibna raggii falka geystey markiiba waxay ka baxsadeen goobta dilku ka dhacay.

Baaritaan xeeldheer ka dib, Ilaahay fadligiis guddiga madaxa-banaan ee Baarista dilkii Sheekha waxaa u suurta-gashay inay aqoonsadaan kooxdii dilka gaysatay, dabadeed ciidanka booliiska magaalada Boosaaso waxay gacanta ku dhigeen 15 December 2011 gabadhii masuulka ka ahayd gurigii ay deganaayeen labo ka mid ah raggii falka geystey, gabadhaas oo lagu magacaabo: Ruqiyo Xasan Maxamed Yuusuf (Amooreeye), da’deeduna tahay 30 Jir, gabadhu waa xaaska masuulkii amniyaadka xarakada Al-shabaab ee magaalada Boosaaso: Cismaan Cadirisaaq Siciid Cabdi (khaalid), da’diisuna tahay 20 Jir, wuxuuna ahaa hogaamiyihii tooska ahaa ee kooxdii Sheekha dishay. Ruqiyo waxaa horey uga geeriyooday Masuulkii amniyaadka xarakada Al-shabaab ee Puntland: Cabdifitaax Maxamuud oo ku geeriyooday qarax uu diyaarinayay magaalada Laascaanood sanadkii 2009.

18kii December 2011 habeen saq dhexe ayaa ciidanka Booliiska Boosaaso waxay u dheceen guri ku yaala xaafadda Raf iyo raaxo ee magaalada Boosaaso, gurigaaas oo xarun u ahaa kooxda amniyaadka ururka Al-shabaab ee magaalada Boosaaso, gurigaas waxaa laga soo qabtay saddex ka mid ah kooxdii amniyaadka xarakada Al-shabaab ee ka dambeysay dilkii sheekha, saddexdaas nin oo kala ah:

1- Maxamed Abshir Cartan, da’diisu tahay 20 Jir, waana Masuulkii xaruntaas.

2- Axmed Maxamed Cali Cismaan (Mustafe), da’diisu tahay 18 Jir, kana mid ahaa kooxdii dilka fulisay.

3- Cabdirixmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle), da’diisuna tahay 20 Jir, kana mid ahaa kooxdii dilka fulisay.Nasiib darro waxaa goobtii ka fakaday Cabdirixmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle) oo cagihiisa ku cararay kana mid ahaa kooxdii fulisay dilka sheekha .

19 December 2011 waxaa ciidanku gacanta ku soo dhigeen labo nin oo ka mid ah kooxda amniyaadka xarakada Al-shabaab ee ka hawlgali jiray magaalada Boosaaso, wadashaqayn adagna ay ka dhexeysay kooxda falka dilka geystay, waxayna kala yihiin:

1- Cabdiqani Nuur Qorane, da’iisuna tahay 22 Jir.

2- Cabdirixmaan Maxamed Cali Ibrahim, da’diiisuna tahay 25 Jir.Bilawgii bishii Janaayo ee 2012 waxaa magaalada Garoowe gacanta lagu dhigay eedaysane: Keyse Axmed Aadan, da’iisuna tahay 26 Jir, Keyse wuxuu ka tirsanyahay kooxda amniyaadka xarakada Al-shabaab wuxuuna xirrir adag la lahaa kooxda falka fulisay.

17, February 2012 waxaa ciidanka booliisku magaalada Boosaaso ku qabteen eedaysane: Maxamed Maxamuud Maxamed (Saacadoole), da’diisuna tahay 21 Jir, ninkaan oo ahaa madaxa qaybta madax-jabinta, Amniyaadka ururka Al-shabaab ee ka hawlgala magaalada Boosaaso, wuxuuna ka mid ahaa kooxdii fulisay dilkii Dr. Axmed Xaaji.

Waxaa ciidanka booliisku ku guuleystey inuu gacanta ku dhigo Bastooladihii lagu dilay Dr. Axmed Xaaji iyo waxyaalaha qarxa oo farabadan, qalabkaas oo guriga uu ku xabaalnaa uu ciidanka booliiska uu tusay Maxamed Maxamuud Maxamed (Saacadoole). Guriga qalabkaas lagu hayay wuxuu u dhawaa goobta lagu dilay Sheekha, wuxuuna gabbaad u ahaa qayb ka mida ragga Sheekha diley.

Baaris dheer ka dib dhammaan eedaysanayaasha kor ku xusan waxay qirteen, kuna caddaatay inay xubno firficoon ka yihiin ururka Al-shabaab qaybta Amniyaadka, qayb ka mid ah eedaysanayaasha kor ku xusana waxay qirteen inay wax ka fuliyeen falkii foosha-xumaa ee lagu dilay Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Haddaba, Guddiga madaxa banaan ee Baarista dilkii Dr. Sheekh Axmed Xaaji waxay caddaynayaan in kooxdii ka dambeysay dilkii Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Allaha u naxariistee ay ka wada tirsanaayeen ururka Al-shabaab gaar ahaan kooxda amniyaadka ee ka hawl-gali jirtay magaalada Boosaaso, uuna madax u ahaa Cismaan Cadirisaaq Siciid Cabdi (Khaalid).

Waxaa xusid mudan inay jiraan Shan xubnood oo ka tirsan Kooxda falka geystay oo lagu raad-joogo waxayna kala yihiin:

1. Xassan Jaamac Xassan (Xassan Surato) madaxa Amniyaadka Al-shabaab ee Puntland

2. Mawliid Maxamed Aadan (Gaashaan/Abdiwali) kuxigeenka madaxa Amniyaadka Al-shabaab ee Puntland.

3. Cismaan Cadirisaaq Siciid Cabdi (Khaalid) madaxa Amniyaadka Al-shabaab ee Boosaaso, isla markaana ahaa madaxa kooxdii dilka gaysatay.

4. Cabdirixmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle) ka mid ahaa xubnihii gacanta dilka gaystay.

5. Cismaan Axmed-Qaasim Aw-maxamed (Ayuub) ka mid ahaa xubnihii gacanta dilka gaystay.

Intaa ka dib guddiga madaxa-banaan ee Baarista dilkii Dr. Axmed Xaaji waxay si buuxda u caddaynayaan in lagu guuleystay baaritaankii guddigu wadey muddada dheer, isla markaana gacanta lagu hayo qayb ka mida dhagar-qabayaashii geystay dambigaas fooshaxun, kuwa aan weli la qabana si buuxda loo wada aqoonsaday, Ilaahayna waxaa laga rajeynayaa inuu dhaqso u soo gacan-galiyo.

Gabagabadii guddiga madaxa-bannaan ee baarista dilkii sheekhu waxay uga mahadcelinayaan dowladda Puntland iyo laameheeda amniga siddii ay u soo qabqabteen gacan-ku dhiiglayaashii Sheekha dilay, wuxuuna guddigu si gaar ah uga codsanayaa dowladda Puntland in ay caddaaladda horkeento dambiilayasha la hayo si guudna wuxuu guddigu uga codsanayaa Shacabka Puntland Dawladda Federalka ee Soomaaliya iyo Dowladda Somaliland iyo hay’adaha caddaaladda ee caalamiga ah inay gacan ka gaystaan qabqabashada dambiilayaasha aan weli la qaban. Waxaa kale oo guddigu u mahad celinayaa dhamaan dadkii faraha badnaa ee ku caawiyey hawsha baaritaanka iyo wixii la xiriiray.

Waxaa diyaariyey:

Guddiga Madaxa-banaan ee Baarista

dilkii Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

Boosaaso – Somalia

Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.

info@allsomali24.com

webmaster@allsomali24.com

(Akhri) War-saxaafadeed laga soo saaray dilalka weriyeyaasha Soomaaliyeed
Mombasa (Allsomali24): Xarunta Cilmi baarista iyo daraasaadka Warbaahinta ee Al Najaax  ayaa waxay aad iyo aad u cambaarayn weerarada is daba jooga ah ee lagu ugaarsanaayo wariyaasha Soomaaliyeed oo kii ugu danbeeyay Allaha u naxariistee  xalay fiidkii dhaawac soo gaaray dhawaan ugu geeriyoodey Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho Wariye Maxamed Maxamuud Tuur yare oo kooxo hubeysan ku dhaawaceen 21kii bishan Xaafada Xaawo Taako ee degamada wadajir ee gobolka Banaadir.

Al Najaax ayaa dowlada Soomaaliga ugu baaqaysa in ay masuuliyad iska saarto sidii loo dhowri lahaa xuquuda wariyaasha ee lagu tumanayo ,si deg deg ahna waxaan ugu baaqaynaa in loo soo qab qabto gacan ku dhiiglayaasha dilka arxan darada ah ku haya wariyaasha Soomaaliyeed.

Xarunta Cilmi baarista iyo daraasaadka warbaahinta ee Al Najaax ayaa waxaa ay  mid mid iyo guud ahaanba  ugu tacsiadeen dhamaan walaaleheena warbaahinta ee la laayay sanadkaan gudihiisa oo tiradoodu ay dhan tahay 17 wariye.

Akhri magacyada weriyeyaasha iyo taariikhdii la dilay:

1. Xasan Cusmaan Cabdi (Fantaastik) oo Muqdisho lagu dilay 28-kii Janaayo

2. Abuukar Xasan Maxamuud (Kadaf) oo Muqdisho lagu dilay 28-kii Feberaayo

3. Cali Axmed Cabdi oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo, 04-tii March

4. Mahad Salaad Aadan oo lagu dilay magaalada Baladweyne, 05-tii April

5. Farxaan Jeemis Cabdulle oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo, 02-dii May

6. Axmed Caddoow Canshuur oo Magaalada Muqdisho lagu dilay, 23-kii May

7. Cabdi Jaynaani Malaaq (Marshaale), oo Muqdisho lagu dilay 31-kii Jully

8. Yuusuf Cali Cismaan (Fareey) oo Muqdisho lagu dilay, 12-kii August

9. Maxamed Cali Buneyste oo Magaalad Muqdisho lagu dilay 12-kii August

10. Liibaan Cali Nuur oo lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho, 20-kii September

11. C/sataar Daahir oo lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho, 20-kii September

12. C/raxmaan Yaasiin oo lagu dliay Qarax Mudisho ka dhacay, 20-kii September

13. Xasan Yuusuf Absuge oo lagu dilay magaalada Muqdisho, 21-kii September

14. Cabdiraxamaan Maxamed Cali oo Muqdisho lagu dilay, 27-kii September

15. Axmed Cabdullaahi Fanax oo Muqdisho lagu dilay 28-kii September

16. Axmed Saakin Faarax oo lagu dilay magaalada Laascaanood, 23-kii October.

17. Maxamed Maxamuud Tuuryare oo dhaawac u geeriyoodey 28-kii October.

Gudoomiyaha Xarunta Cilmi baarista iyo Daraasaadka Warbaahinta Al Najaax

Moxamed Cabdi Bootaan

Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.

info@allsomali24.com

webmaster@allsomali24.com

(Daawo Sawirrada) Maxaa ka cusub farshaxaniste Amin Arts?
Cartoon (Allsomali24): Halkan waxaan idin kugu soo gudbineynaa sawirradii ugu dambeeyay ee uu sameeyay farshaxaniste Amin Amir (Amin Arts).

Amin Amir waa farshaxaniste Soomaaliyeed, waxa uu ku caanbaxay sameynta Caroons-ka, isagoo adeegsanaya Aaladihii ugu dambeeyay ee adduunka loo isticmaalo qurxinta sawir gacmeedyada farshaxanka ah, waana farshaxanistaha kaliye ay ku faanaan ummadda Soomaaliyeed.

Amin Arts, wuxuu sawir gacmeedyada inta badan uu ku saleeyaa arrimaha waqti xaadirka ee taagan iyo isbeddelka siyaasadeed ee ka jira ama ka dhaca dalka Soomaaliya.

Daawo sawirradii ugu dambeeyay ee Amin Arts:

Fiiro gaar ah: Haddii aad u baahan tahay in aad la xiriirto Farshaxaniste Amin Arts booqo website-ka www.aminarts.com.

Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.

Info@allsomali24.com

webmaster@allsomali24.com