Dowlada Kenya Oo Usoomagacaawday Safiir Cusub Dalka Soomaaliya
Kenya(Allsomali24.com)Dowlada Kenya ayaa si rasmi ah Soomaaliya ugu soo magacawday Safiir, iyadoo Safiirkaas iyo saraakiil la socotay ay maanta soo gaareen magaalada Muqdisho.
Safiirkan cusub ee dowlada Kenya u soo magacawday Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socda warqadihiisa aqoonsi u gudbiyo Madaxweynaha Soomaaliya.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo wehliyay Safiirka Kenya u soo magacawday Soomaaliya Mr Makara ayaa shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Soo magacaabida safiirka Kenya ee dalka Soomaaliya ayaa waxa ay tahay mid daba joogta heshiiskii dhowaan magaalada Nairobi ay ku gaareen madaxda labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.
Dalka Kenya oo deris la ah dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo gaaraya kumanaan askari, iyadoo dalkeeda ay u barakaceen boqolaal kun qoys oo ka cararay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacayay.
Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.
info@allsomali24.com
webmaster@allsomali24.com
Short URL: http://allsomali24.com/?p=2257



















