Allsomali24.com  Madasha Wararka Soomaalida

Faallo:>SIDEE ISU JECLEYSIIN KARTAA LAMAANAHAAGA?

Wacan oo wanaagsan dhamaan akhristayaasheena qiimaha iyo qaayaha inaga mudan , waxaan idin soo Gudbindoonaa haduu ilaah idmo maqaal aan ugu magacdarnay, (SIDEE ISU JECLEYSIIN KARTAA LAMAANAHAAGA?) aana kaga hadli doona Arimaha qoyska ama dadka isqaba iyo sida ugu haboon ee Ay Nolol wanaagsan iyo farxad u heli karaan,

Waxaa waayahaan dabe kusoo badanaye bulshada somaliyed gaar ahaan lamaanayaasha somaliyed ee Isqaba is fahan la’aan, buuq, qalaaso, iyo dhibaatooyin dhan walba ah Taasoo marar badan kenta in Burbur iyo kala tag ku yimaada qoyska soona dada jiya furiinka marka si Loo fahmo siyaabaha  looga Hortagi karo ama looga samata bixi karo arimaha ceynkaas ah ayaan isku Dayi doonaa inta karaan Kayaga ah ee aan isleenahay way ka faa’iideysan doonaa akhayaasha gaar ahaan lamaanayaasha somaliyed inagoo ku Soo koobi doona Maqaalkan haduu eebaha awooda leh idmo.

Hadii aad dooneyso in aad is jecleeysiiso xaaskaaga  waxaa lagama maarmaan ah in aad isku daydo in Aad Barato dhamaan  dabeecadeeda, waxa ay ka hesho iyo waxay nacebtahay intaba taasna macnaheedu Ma’ahan in aad sasabeyso ama aad adigu qofka isku dhadhajineyso oo aysan iyadu ku Rabin, ee waxaa Weeye hadii aad qofka dabeecadiisa barato wuxuu rabana aad fahansan tahay Wuxuusan jeclayna aad Ogtahay, waxey kuu suura galin kartaa oo ay ka dhigan tahay in aydan waligiin Isku dhaceynin  Dhibkiinana uu yaraanayo, maxaa yeelay u jeedada guurka ugu wayn waa in ay labada Qof is fahansan Yihiin oo ay si uur booqdaan oo ay had iyo jee is qadariyaan, sidoo kale gabadha waxaa Iyadana looga Baahan in ay ninkeeda dabeecadiisa ay fahansan tahay, oo ay la socoto xaalada ninkeeda Marka uu Faraxsan yahay, markuu duruuf aan wanaagsaney ku jiro, waxaas oo dhan waxey qayb weyn Ka qaataan Jaceylka labada qof iyo kalgacalkooda, waayo markaad sidaas oo kale xaaladiisa ula socoto Aad buu Isagana kuu qadarinayaa, sababtoo ah waxaad ula dhaqantay sidii adiga oo qalbigiisa ku jira, Tusaale Ahaan waxaa lagaa rabaa markaad ninkaaga wax ka dalbanayso in aad la sugto oo aad fiiriso Waqtiga ku Haboon dalabkaaga, waxaa dhici kara mararka qaarkood in ninka oo aan waxba diidaneyn Uu wixii laga Rabay haddana fulin waayo waqtiga lagu jiro aawadiisa, haddaba in badan oo dadka isqaba Ka mid ah Waxaad moodaa in uu ka maqan yahay isfahanka noocaas ah. Maxaa yeelay waxaad  arkeysaa Iyaga oo Aan waxba isla diidaneyn in ay haddana sababahaas aan soo sheegay awgood ay isla fahmi La’yihiin, waana dhibaatooyinka hada heysta bulshadeeda,

Haddaba si aan u fahano waxayaabaha loo baahan yahay ee ka qayb qaadan kara is jeclaanshaha labada Qof waxaan isku dayayaa in aan ku soo kobo dhawr qodob waana kuwan soo socda,

1-waa in uu isku dayo qofkasta qofka kale sidii uu dabeecadiisa u fahmi lahaa,

2-waa in aad is waydiiso, waa maxay waxa uu lamaanahaagu jecelyahay?  Maxaayse yihiin waxyaabaha Uu dhibsanayo? Taasi waxay kuu sahlaysaa in aad si cilmiyaysan ula dhaqanto lamaanahaaga.

3- waa in uu qofkasta baahidiisa iyo waxyaagaha uu doonayo uu ku aadiyo waqtiga ugu gaboon ee Suuragalka ah ama ay suura gali karaan.

4- waa in la’is qadariyo, isla markaana aad ilaaliso dareenka qofka qalbigiisana aad dhowrto,

5-waa in la’isu cudurdaaro oo haddii khalad ka dhaco qofka aad wada joogtaan aad garawsho u raadiso, Isla markaana aad u fasirato hadalkiisa sida ugu wanaagsan ee uu noqon karo, had iyo goorna aad khayr Ka filato,

6- waa in aad ilaaliso dabacsanaanta,  hadday noqoto dhinaca hadalka ama ficilada ama dareenka guud Intaba,

7- waa in ay labada qof isku dayaan kolba koodi kacsan ee cadheysan ka kale In uu dajiyo oo uu Dhimriyo,  iskuna dayo in uu raali galiyo, waana in uusan la ficil tamin.

Akhristoow waxaan filayaa haddii labada qof ee isqabo ay isku dayaan in ay sidaas isula dhaqmaan, isla Markaana ay isku dayaan in ay qodobada aan kor ku xusay ay noqdaan kuwo qayb ka ah noloshooda oo Kamid ah, ay dhici karto in ay noqdaan dad aad isu jecel kuna noolaan karaan nolol wanaagsan oo lagu Naaloodo loona riyaaqo oo ku dayasho mudan,

Isku soo wada duuboo akhristow  waxaan maaqalkeyga ku soo gunaanudayaa talo iyo waano  aan u Jeedinayo dhamaan lamaanayaasha somaliyed ee isqaba labada dhanba  in ay iska ilaaliyaan waxa la yiraahdo caashaq Digaag, shaba nooc, laablakac, xiiso iyo waliba wixii la halmoola oo dhaaci kara midnimida, isfahanka, kalsoonida , Wada noolaashaha, heykalka iyo hanaagka qoyska,

W/Q  Wariye Ahmed Issack Abdi (Ahmed Laqaaye)

Kalmooleyare@gmail.com

Mombasa- Kenya

Short URL: http://allsomali24.com/?p=2235

Posted by on Jan 8 2013. Filed under Maqaalo, Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Facebook Like Box

Allsomali24.com Banners and Videos



Daawo Heeso.



Photo Gallery