Madaweynaha Oo Kahadlay Heshiis Ay Lagaleen Sudan “sii Khri”
Muqdisho(allsomali24.com)Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib booqasho labo maalmood uu ku tagay dalka Sudan ayaa faah faahin ka bixiyay heshiis uu la soo saxiixday dhigiisa Sudan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Sudan ay kala saxiixdeen heshiis iskaasho ah, isagoo xusay inay xoojinayaan dhismaha hey’adaha dowladda, isla markaana ay tababar siinayaan Ciidamada booliska.
“Heshiiska ee aan la galnay dowladda Sudan waxaa ka mid ah in labada dal ay yeeshaan iskaashi, dhowaan waxay noo soo diri doono kooxo farsamayaqaano ah, anagana waa u direynaa, waxay naga caawinayaan biyaha, dhismaha hey’adaha dowliga iyo tababarka ciidamada booliska”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in heshiiska qeyb ka ahaa dib u dhiska bankiga iyo hey’adaha xisaabtaad oo uu xusay inay tababar siin doonaan, waxaana uu intaa ku daray in dhamaan qodobadii ay ka wada hadleen uu si guul ku soo dhamaaday.
Madaxweynaha Sudan ayaa u sheegay Madaxweynaha Somalia inay diyaar tahay lacagihii shiling Somaliga ee ay u daabacday dowladdii KMG aheyd, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka dalbaday in lacagahaas ay sii heyso Sudan inta dowladda qorshe uga diyaarineyso.
Dowladda Sudan ayaa ka mid ah dowladaha taageera Soomaaliya, iyadoo kaalin muuqata ka qaadatay gurmadkii abaarihii iyo macluushii ku dhifatay Soomaaliya sanadkii 2011, waxaana dalkeeda wax ku barta kumanaan Arday Soomaaliyed oo ay siisay minxo waxbarasho.
Short URL: http://allsomali24.com/?p=2197



















