Shir Xasaasi Ah Oo Maanta Kadhacay Kismaayo Dhexmaray Dowlada Iyo Maamulka Magaalada.
KISMAAYO-(Allsomali24)Shir xasaasi oo maanta kadhacay garoonka magaalada kismaayo ee gobolka jubada hoose. Kulankaan ayaa yimid kagdaal markii ay soogaareen wafdi kasocda dowlada federalka soomaaliya uu hogaaminaye Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo 41xubnood isugu jirey wasiiro, xilibaano madax kale, dhaka kale waxaa kasoo qeybgalay maamulka magaalada kismaayo iyo gudoomiyaha jabhada raskanbooni sh.axmed madoobe.
Axmed madoobe ayaa sheegay inay dowlada kasoo daahaday magaalada kismaayo ayna ahayd marhore inay timaado iyagana ay kamid yihiin dowlada federalka soomaaliya balse waxuu yiri “waxaan diyaar unahay dowlada ayada ayaan kamid nahay waana hoosimaanaynaa” sidoo kale waxaa kahadalay shirkaasi wasiirka arimaha gudaha io amniga qaranka oo raali galin kabixi qaladaadkii kadhacay dhanka dowlada soomaaliya muhiimadana ay tahay nabad iyo amaan inay helaan shacabka soomaliyeed.
Waxaa maanta aad loo adkeeye amaanka magaalada kismaayo iyadoo la arkaye ciidamo si gaar ah usugaya amaanka madaxda dowlada iyadoo laka dajiyay hotelada magaalada kismaayo halka afartii wasiirna ladajiye hotel tawakal.
Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.
info@allsomali24.com
webmaster@allsomali24.com
Short URL: http://allsomali24.com/?p=2185



















