Allsomali24.com  Madasha Wararka Soomaalida

guri kamid ah guryaha magalada jowhar oo laga helay waxyaabaha qarxa iyo aalada kale

Howl galo ay shalay ciidamada nabadsugida iyo kuwa Milateriga ka sameeyeen xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelaha dhexe ayaa waxay ku soo qabteen agabyo isugu jira Bam, waxyaabaha qarxa iyo nuucyada loo adeegsado.

Sarkaal ka tirsan maamulka Shabellaha Dhexe ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamada ay heleen xog ku saabsan guriga ay ku jireen waxyaabaha qarxa, dabadeedna ay soo heleen.

Agabyadan ayaa ka koobnaa ilaa 10-neeyo jirigaanada ama caagagta waa weyn oo ay ku jireen waxyaabaha qarxa, gasacyo iyo taleefanada gacanta ee loo yaqaano Mobile-ka oo dhowr xabo ahaa iyo nuucyada sameynta qaraxyada oo isugu jira fiyuusyo.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in maanta ay u soo bandhigayaan agabkaas saxaafada, iyadoo la sheegay in hal ruux oo guriga joogay loo qabtay.

Howl galkan ayaa ahaa kii u horeeyay ee waxyaabaha qarxa lagu soo qabto tan iyo markii 9-kii bishan December ay la wareegeen magalada jowhar ee xarunta gobalka shabeelaha dhexe ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Short URL: http://allsomali24.com/?p=2173

Posted by on Dec 25 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Facebook Like Box

Allsomali24.com Banners and Videos



Daawo Heeso.



Photo Gallery