Dadka Kenyan-ka oo loogu baaqay in ay u hogaansamaan sharciga ay lashaqeyay ciidamada amaanka
Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa dadka Kenyaanka ah ugu baaqay inay feejignaadaan ayna sharciga raacaan inta lagu guda jiro dabaal daga Kirismiska iyo dabaaldaga sanadka cusub ee fooda inagu soo haya.
Cidamadaan ayaa waxa ay sidoo kale ku booriyeen dhamaan dadka iska leh goobaha ganacsi ee kala duwan sida Hotelada iyo xarumaha laga tukaansado inay sare u qaadaan tilaabooyinka sugida ammaanka xiligan lagu guda jiro dabaal daga Kirismiska ee Masiixiyiinta.
Kaniisadaha iyo kooxaha kale ee doonaya inay qabtaan dabaaldaga Kirismiska ama dabaaldaga sanadka cusub ee 2013 ayaa waxa ay booliska ugu baaqeen in wax waliba ay ka hormariyaan sugida ammaanka.
Ciidamada amaanka ayaa waxa sidoo kale ka mid ah tilaabooyinka ay ugu tala galeen in ammaanka lagu sugo xiligan dabaal daga Kirismiska ee Masiixiyiinta in ciddii aragta boorso meel taala ay xaqiijiyaan cidda iska leh islamarkaana haddii ay ka shakiyaan in ay ku soo wargaliyaan ciidamada amaanka .
Guud ahaan ciidamada dalka ayaa heegan sare ku jira iyadoo laga cabsi qabo waxa ay ugu yeeraan in kooxaha argagixisada ay weeraro ka fuliyaan dalka xiligan lagu guda jiro Kirismiska iyo u dabaal daga sanadka cusub ee 2013 ee fooda inagu soo yaha.
Short URL: http://allsomali24.com/?p=2177



















