Allsomali24.com  Madasha Wararka Soomaalida

Munaasabad Loogu Dabaal Dagay 69 Guuradii kasoo Wareegatay Ciidanka Booliska

Muqdisho(allsomali24.com)Munaasabad lagu xusayay sanad guurada 69aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidamada Booliska Soomaaliyed ayaa maanta lagu qabtay Dugsiga sare ee Booliska Jen. Kaahiye ee degmada Xamar Jajab.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, Wasiirka Arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Fiqi, Wasiiro, xildhibaano, Taliyaaasha ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin.

Munaasabadaas ay isugu imaadeen dhamaan madaxda qaranka ay ugu horeeyaan madaxda ciidanka booliska iyo madaxda qaranka uu horboodaye raisulwasaaraha somaaliya saacid iyo gudoomiyaha gobolka banaadir mudane Tarsan.

General sheekhuunaa maye ayaa khudbad dheer kasoo jeediye uuna uga sheekeeye taarikhda ciidanka booliska qaranka soomaaliyeeed waxuuna sheegay inay ciidanka boliska habeen iyo maalin utaagaanihiin midnimada umada soomaaliyeed iyo badbaadada dadka, dalka iyo diinta , isagoo xusay in Ciidamada ka hortageen ilaa 167-weeraro oo lagu fulin rabay waxyaabaha qarxa iyo baabuur.

Ciidama booliska waxaa la aas aasay 20-december 1943.

 

Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.
info@allsomali24.com
webmaster@allsomali24.com

Short URL: http://allsomali24.com/?p=2156

Posted by on Dec 20 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Facebook Like Box

Allsomali24.com Banners and Videos



Daawo Heeso.



Photo Gallery