Allsomali24.com  Madasha Wararka Soomaalida

Boqolaal Ktirsan Dagaalyahanada Al-Shabaab Oo maanta Towbaro Loosoo xirey.

Buula burte” Allsomali24.com”Dagaalyahano Katirsan Ururka alshabaab aya maanta towbaro kusoo gabagabeeye xirada lagu macaabo khaalid bin waliid ay ayaga ubaxsadeen Degmada Buule-burte ee katirsan Gobolka Hiiraan.

Kooxdaan dagaalyahanada tababarka dhameysatay oo loo bixiyey guuto loogu magac daray Abuu Yaxya Al-Libiyi oo ahaa ku-xigeenka hogaamiyaha Al-Qaacida kaasoo sanadkan gudihiisa dayuuradaha aan duuliyaha laheyn ee Maraykanku ku dileen dalka xadka Afghanistan.

Ciidamadan  tababarka loo soo xiray oo wajiyada ay u qarsanaayeen ayaa waxay soo bandhigeen gaaddo-ka-ciyaar ay ku muujinayaan tababarkii ay qaateen, iyadoo Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo la hadlay ciidamada uu sheegay inay qayb ka noqon doonaan dagaallada lagula jiro ciidamada dowladda iyo kuwa shisheeye ee taageeraya.

Xiritaanka tababarkan ayaa imaanayaa iyadoo Al-shabaab dhul ballaaran oo ay ka talin jirtay laga qabsaday, kuwaasoo ay ka mid yihiin degmooyinka Balad-weyne Jowhar, Kismaayo, Marko. Baydhabo, Xudur iyo meelo kale oo ka tirsan koonfurta Somalia, lamana oga waxaa ciidamadan tababarka loo soo xiray ay ka bedeli karaan xaalada tababarka loo soo xiray wuxuu socday ku dhowaad sanad, waxayna xoogaggu ku barteen sida loola dagalaamo cadowga iyo sida loo qaado dagaallada gaadmada ah iyo waxyaabo kale, qof walba oo muslim ah waxaa saaran waajib ah inuu u diyaar-garoobo difaaca diinta Islaamka ” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan kooxda diimeedka Al-shabaab.

Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.
info@allsomali24.com
webmaster@allsomali24.com

Short URL: http://allsomali24.com/?p=2126

Posted by on Dec 18 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Facebook Like Box

Allsomali24.com Banners and Videos



Daawo Heeso.



Photo Gallery