Allsomali24.com  Madasha Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan dalka Turkiga

Muqdisho (Allsomali24.com)Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiirro iyo saraakiil ciidan ayaa ku wajahan maanta dalka Turkiga, iyagoo kala hadli doona madaxda dalkaas adkeynta xiriirka labada dal iyo mashaariicdii Turkiga uu kawado Soomaaliya.
Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiirka maaliyadda, wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada milateriga Soomaaliya, waxaana ilo ku dhow madaxweynaha ay sheegeen in madaxweynuhu uu casuumaad ka helay dowladda Turkiga.
“Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisu waxay kala hadli doonaan madaxda dalka Turkiga xiriirka labada dalka iyo sidii loo sii wadi lahaa mashaariicdii uu Turkigu ka waday gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan madaxtooyada.

Dowlada Turkkiga ayaa  kaalmo uu fidisay  shacabka soomaaliyeed sanadkii hore, kaddib abaaro ku dhuftay gobollada dalka, kuwaasoo sababay inay macluuli ka dillaacdo lix gobol oo ku yaalla Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.
Sidoo kale, dowladda Turkiga ayaa ka wadday Muqdisho iyo deegaanno ay ka mid yihiin Puntland iyo Somaliland mashaariic lagu horumarinayo Soomaaliya, kuwaasoo lagu wado inay dib u billowdaan, kaddib markii ay hakadeen intii lagu jiray kala-guurka.
Wafdiga madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay garoonka Muqdisho ka raacaan diyaarad ay leedahay dowladda Turkiga ayna tagaan isla maanta magaalada Ankara ee xarunta Turkiga.
Socdaalkan oo aan la ogeyn inta casho ee uu qaadan doono ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee madaxweynaha Soomaaliya uu ugu dhoofo dal ka baxsan Afrika tan iyo markii lasoo doortay, isagoo toddobaadkii hore booqday dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, sidoo kalena wuxuu horay u booqday dalka Uganda.

Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.
info@allsomali24.com
webmaster@allsomali24.com

Short URL: http://allsomali24.com/?p=2116

Posted by on Dec 4 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Facebook Like Box

Allsomali24.com Banners and Videos



Daawo Heeso.



Photo Gallery