Wasiirka Difaaca Soomaaliya Oo War Bixiyay Kulan Uu La Qaatay Dhigiisa Wadamada Jabuuti Iyo Ethiopia
Muqdisho (Allsomali24.com) Wasiirka difaaca ee dowlada Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo uu la soo qaatay dhigiisa wadanka Jabuuti iyo Waliba Ethiopia xili uu safar ku tagay labadaasi dal.
C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay in wasiiradaan uu kala soo hadlay sidii ay u taageeri lahaayeen dowlada Soomaaliya gaar ahaan ciidamada qalabka sida iyo waliba dib u dhiskooda.
Wasiirka ayaa sido kale carabka ku dhuftay in labadaasi dowladood ay Soomaaliya ka taageeri doonaan dib u dhiska Ciidammada Qalabka sida iyo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab ee dagalada kala so horjeeda dowlada.
C/xakiin Xaaji Fiqi Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo qeyb ka ahaa wafdigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya ee soo booqday waddamada Jabuuti iyo Ethiopia ayaa sheegay in dowladahaan ay balanqaadyo fiican ay u sameeyeen Soomaaliya.
Labadaan dowladood ayaa soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo in kastoo ciidamada Ethiopia aysan qayb ka ahayn ciidamada AMISOM ee howlgalka u jooga Soomaalia, hase yeeshee dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadaan ay taageerayaan dowlada ayna ka caawinayaan dadaalka xal u helida nabada Soomaaliya.
Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.
info@allsomali24.com
webmaster@allsomali24.com
Short URL: http://allsomali24.com/?p=2099



















