Puntland Oo Ku Amartay Doomaha IRAN In ay Isaga Baxaan Biyaha Puntland ee Somaliya
Bosaaso (Allsomali24.com) Wasiirka wasaaradda kaluumeysiga Punland Maxamed Faarax oo shirjaraaid ay ka soo qaybgaleen Dallada Ganacsatada kaluumeysiga Puntland iyo Warbaahinta ku qabtey xafiiskisa ayaa sheegay in hadda wixii ka danbeeya Puntland ay mamnuucdey doomaha sharci darrada ah ee xaalufiyey kaluunku in ay ku sii jiraan biyaha Puntland ee Soomaaliya isago si gaar ah u tilmaamey doomaha Iiraaniyiinta kuwaas oo ahaa kuwo ugu tirada badan ee ka kaluumeysto xeebaha Puntland.
Wasiirka waxaa kale oo uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ugu baxaan iraaniyiinta xeebaha Puntland ay ka taliso isagoo sido kale ugu digey ganacsatada in ay waraaqo been abuur ah u sameeyaan doomahaas kaluumeysiga ah ee banaanka uga saarey kaluumeyasatadii waddaniyiinta ahaa.
Maxamed Cabdi Shirwac oo ah guddoomiye kuxigeenka iskaashatada, ayaa mar sii horeysey warbaahinta u sheegay in Doonyaha Iran laga lee yahay ay ka kaluumeystaan laga soo bilaabo Qandala ilaa Laasqorey, waxaana ay isticmaalayaan khibrad aad u saraysa, qalab casri ah iyo weliba shabaagyo mamnuuc ah oo gaarey 18 km kuwaas oo aan waxba reebayn.
Doonyaha Iiraaniyiinta ayaa la sheegay in ay yihiin kuwo hubeysan, oo markii ay helaan warqada oggolaanshaha waxay isku ilaashaan hubka darandooriga u dhaca iyagoo xaalufin ba’an ku haya qeyraadka ku jira xeebaha soomaaliya .
Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.
info@allsomali24.com
webmaster@allsomali24.com
Short URL: http://allsomali24.com/?p=2095



















