Maalinta AIDS-ka Adduunka Oo maanta Caalamka Laga Xusayo
Nairobi (Allsomali24.com)Waxaa maanta adduunka looga dabbaal-degayaa maalinta Aids-ka adduunka oo sanad kasta maanta oo kale (1-da December) la xuso.
Maalintan waxaa loo asteeyay in dadka lagu guubaabiyo ka hor tagga fiditaanka jeermiska HIV ee dhaliya cudurka Aids-ka iyo in aan la takoorin dadka cudurka la nool.
Dad ka badan 25 milyan oo qof ayuu cudurka dilay intii u dhexeeysay sanadihii 1981-kii illaa sanadkii 2007, sida ay sheegtay daraasad caalami ah, iyadoo in ka badan 33 milyan ay cudurka la noolaayeen muddadaas dhexdeeda.
Digniinaha iyo wacyigelinta cudurka ee caalamiga ah ayaa la sheegay inay hoos u dhigtay qatarta iyo fiditaanka cudurka Aids-ka, qaaradda Afrika haba ugu horreysee.
Sanadkii 1995-kii, madaxweynihii dowladda Maraykanka Bill Clinton ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in 1-da December loo aqoonsado maalinta caalamiga ah ee Aids-ka, iyadoo waddamo badanna ay taageereen xuska maalinta.Waxaa maanta adduunka looga dabbaal-degayaa maalinta Aids-ka adduunka oo sanad kasta maanta oo kale (1-da December) la xuso.
Maalintan waxaa loo asteeyay in dadka lagu guubaabiyo ka hor tagga fiditaanka jeermiska HIV ee dhaliya cudurka Aids-ka iyo in aan la takoorin dadka cudurka la nool.
Dad ka badan 25 milyan oo qof ayuu cudurka dilay intii u dhexeeysay sanadihii 1981-kii illaa sanadkii 2007, sida ay sheegtay daraasad caalami ah, iyadoo in ka badan 33 milyan ay cudurka la noolaayeen muddadaas dhexdeeda.
Digniinaha iyo wacyigelinta cudurka ee caalamiga ah ayaa la sheegay inay hoos u dhigtay qatarta iyo fiditaanka cudurka Aids-ka, qaaradda Afrika haba ugu horreysee.
Sanadkii 1995-kii, madaxweynihii dowladda Maraykanka Bill Clinton ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in 1-da December loo aqoonsado maalinta caalamiga ah ee Aids-ka, iyadoo waddamo badanna ay taageereen xuska maalinta.
Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.
info@allsomali24.com
webmaster@allsomali24.com
Short URL: http://allsomali24.com/?p=2112