Allsomali24.com  Madasha Wararka Soomaalida

Ugaanda oo Sheegtay in Ciidamo Dheeraad ah ay uu so Direyso Soomaaliya

 Ugaanda(Allsomali24.com) Dowladda dalka Uganda ayaa sheegtay in labo kun askari dheeraad ah ay u soo direyso   Soomaaliya, si ay u xoojiso Ciidamadeeda ka qeyb qaadanaya howl galka AMISOM ee ka socda soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Uganda oo lagu magacaabo Captain Deo Akiiki ayaa ka dhawaajiyay in dhowaan ay ciidamo ku xoojineyso howl galka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM, isagoo xusay in dowladda Uganda go’aansatay inay sii wado taageerada ay siineyso dowladda Soomaaliya.

Uganda ayaa horaantii bishan ka dhawaajisay inay Ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya, hadii aanay raali gelin laga bixin eedeyn loo jeediyay oo ahayd inay taageerto falaagada M23 ee ka dagaalanta Jamhuuriyada Dimoqraadiga Congo.

Mareykanka iyo Qaramada Midoobey ayaa horay uga dalbaday inay ka laabtaan go’aanka ay Ciidamada uga baxayaan, iyagoo sheegay in hadii Uganda Ciidamadeeda la baxdo ay marnaansho xaga ammaanka ku imaaneyso Soomaaliya.

Uganda oo hogaanka u heyso howl galka AMISOM ayaa ah dalka ugu badan ee ay Ciidamada ka joogaan, waxayna Ciidamadeeda ku sugan yihiin Muqdisho iyo Labada gobol ee Shabeelooyinka

.Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.
info@allsomali24.com
webmaster@allsomali24.com

 

 

Short URL: http://allsomali24.com/?p=2085

Posted by on Nov 27 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Facebook Like Box

Allsomali24.com Banners and Videos



Daawo Heeso.



Photo Gallery