Puntland oo ka digtay faragelinta Somaliland ee Deegaano ka mid ah Sool & Sanaag
Garoowe (Allsomali24.com)Maamulka Puntland ayaa eedeeyn kulul uu soo jeediyey maamulka soomaaliland wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa ku eedeeyay inay ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland galeen deegaanno hor leh oo ka tirsan Puntland.
Wasiirka ayaa cambaareeyay joogitaanka ciidamo ka tirsan Somaliland ee degmooyinka Dhahar iyo Xuddun oo ka kala tirsan gobollada Sanaag iyo Sool.
Wuxuu sheegay inaysan Puntland u dulqaadan doonin “gardarrada qaawan” iyo is-ballaarinta ku salaysan xudduudihii gumaysiga, isagoo intaas ku daray inuu maamulka Somaliland “dhul boob” ku waday deegaannada Puntland tan iyo aasaaskii maamulka sannadkii 1998.
Wuxuu ugu baaqay ciidamada maamulka Somaliland inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan deegaannada Puntland, si looga hor-tago khalkhal ku yimaada ammaanka iyo wada-noolaanshaha.
Maamulka Puntland ayaa dhowr jeer oo hore sidan oo kale ugu cambaareeyay maamulka Somaliland inuu faragelin ku hayo deegaanno ka tirsan maamulkiisa.
Somaliland weli maysan ka jawaabin eedeyntan cusub ee ka soo baxday maamulka Puntland
Labada maamul ayaa muddo sanado ahba ku muransan gobollada Sool iyo Sanaag.
Cambaareynta ka soo baxday Puntland ayaa imaanaysa labo maalmood ka hor xilliga ay dhacayaan doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee Somaliland.
Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.
info@allsomali24.com
webmaster@allsomali24.com
Short URL: http://allsomali24.com/?p=2071



















