Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti
Jabuuti (Allsomali24.com)Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta kulan la qaatay dhiggiisa dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo ay uga wada-hadleen xiriirka labada dal.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka uga warbixiyay ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah kuwa Midowga Afrika ee ka howlgalaya Soomaaliya.
Wafdiga madaxweynaha oo ay ku jiraan wasiirka gaashaandhigga Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi iyo la-taliyaha madaxweynaha xildhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa garoonka diyaaradaha ee Jabuuti waxaa maanta ku soo dhoweeyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, raysul wasaaraha Jabuuti Dilleyte Maxamed Dilleyte iyo wasiirro kale iyado lagu wado wafdiga soomaaliya ka socda in uu berry ka dhoofo dalka Itoobiya .
Waa booqashadii ugu horreysay oo rasmi ah oo madaxweynaha uu ku tago dalka dibaddiisa sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.
Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.
info@allsomali24.com
webmaster@allsomali24.com
Short URL: http://allsomali24.com/?p=2066



















