Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kulan Looga Hadlaayay Isbaarooyinka Yaala Muqdisho La Qaatay Guddoomiyaasha Gobalka Banaadir
Muqdisho (Allsomali24.com) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaley kullan uu kula yeeshay xarunta Villa Somalia, guddoomiyaasha 17-ka degmo ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa kulanka ka sheegay in in magaalada Muqdisho ay yaalaan illaa 60-Jidgooyo ama Isbaaro kuwaasoo ay lacago ka qaataan shaqsiyaad la bar yaqaano sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha ayaa u sheegay guddoomiyaasha degmooyinka in looga baahan isbadalka ku yimid dowladda in uu isbadal ku yimaado ammaanka degmooyinka magaalada.
Ugu dambeen madaxweynaha wuxuu u sheegay guddoomiyaasha degmooyinka in laga rabo siddii ay isbadal u sameen lahaayeen si loo soo afjaro habdhaqanka xun ee laga aaminay ciidamada dowladda.
Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo la yeesho guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir.
Magaalada waxa ku soo batay jidgooyin lacago sharci daro lagu qaado oo ay ku sugan yihiin rag ku labisan dareeska ciidamada dowladda.
Si kastaba, madaxweynaha ayaa shaley ka sheegay kulan uu la qaatay saraakiisha ciidamada hadalkan “Askariga dadka halaga illaaliyo hana lagu illaaliyo”taasoo ah in askarta dowladda ay dhibaato ka geestaan goobaha dowladda ay joogaan.
Waa markii ugu horreysay oo madaxweynaha uu ku hadlo eedaha loo soo jeediyay ciidamada dowladda.
Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.
info@allsomali24.com
webmaster@allsomali24.com
Short URL: http://allsomali24.com/?p=2042



















