Guddoomiyihii ganacsatada Bakaaraha oo toogasho lagu dilay
Muqdisho (Allsomali24.com) Koox hubaysan ayaa saaka toogasho ku dishay guddoomiyihii ganacsatada suuqa Bakaraaha ee magaalada Muqdisho Axmed Nuurre Ow Diini.
Wararku waxay sheegayaan in koox baastoolado ku hubaysan ay marxuumka ku weerareen xafiiskiisa, kaddibna ay halkaasi ku dileen isaga iyo nin ilaalo u ahaa gudoomiyaha ganacsatada .
Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay durba goobta gaareen si ay u baaraan sida ay wax u dheceen, isla markaana dabagal loogu sameeyo kooxda weerarka gaysatay.
Lama oga cidda weerarka gaysatay, in kastoo weerarrada noocaan ah inta badan la tuhmo inay gaystaan maleeshiyada al-Shabaab oo Muqdisho ka baxday billowgii bishii August ee sanadkii hore.
Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.
info@allsomali24.com
webmaster@allsomali24.com
Short URL: http://allsomali24.com/?p=2038



















