Allsomali24.com  Madasha Wararka Soomaalida

Golaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo yeeshay hogaan cusub

Beledweyne(Allsomali24.com)Magalada Beledweyne ayaa manta loo caleema saaray in uu noqdo  gudoomiyaha golaha odayasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan Sheekh Muxumed Sheekh Xuseen (Marya-cadde).

Munaasabadda lagu caleema-saaray guddoomiyaha cusub ayaa waxaa ka qeyb-galay odayaal dhaqameed, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, saraakiil ka socotay AMISOM iyo dadweyne badan.

Doorashada Sheekh Muxumed ayaa timid kaddib dhowr maalmood oo golaha odayaasha dhaqanka uu u fadhiyay shir ku saabsanaa doorashada guddoomiyaha cusub ee golaha.

Afhayeenka baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo xafladda caleema-saarka ahi khadka taleefoonka kaga qeyb-galay ayaa u hambalyeeyay guddoomiye Marya-cadde.

Guddoomiyaha cusub ayaa ballan-qaaday inuu xoogga saari doono dib u heshiisiinta, nabadaynta iyo midnimada beelaha dega gobolka Hiiraan, isagoo sidoo kalena ka codsaday xubnaha odayaasha ee ku jira golaha inay hirgelinta arrimahaasi kala shaqeeyaan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax oo munaasabadda ka hadlay ayaa soo dhoweeyay caleema-saaridda guddomiyaha cusub ee golaha odayaasha dhaqanka, isagoo odayaasha ka codsaday inay ka shaqeeyaan nabadda gobolka iyo isku keenidda bulshada.

Waa guddoomiyihii ugu horreeyay oo uu golaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan yeesho muddo afar sano. Al-Shabaab ayaa muddadii ay ka talineysay gobolka Hiiraan waxay mamnuucday golahan.

Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.
info@allsomali24.com
webmaster@allsomali24.com

 

 

Short URL: http://allsomali24.com/?p=2059

Posted by on Nov 26 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Facebook Like Box

Allsomali24.com Banners and Videos



Daawo Heeso.



Photo Gallery