Dad ku geeriyooday is-rasaasayn xalay ka dhacday Gaalkacyo
Gaalkacyo (Allsomali24.com) Warar ka imaanaya magalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in laba ruux oo uu mid ahaa askari ka tirsanaa ciidamada Puntland ay ku dhimatay, saddex kalena ay dhaawacmeen kaddib markii xalay ay is-rasaasayn ku dhex martay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ciidamo ka tirsan booliska Punland ee gobolka Mudug iyo kooxo hubaysan oo aan la garanayn.
Is-rasaasaynta ayaa ka dhacday agagaarka masaajidka Salaaxuddiin ee xaafadda Garsoor xilli ciidanka booliska Puntland ay sameynayeen howlgal ay dad ku qabqabanayeen.
In ka badan 20 ruux ayaa la sheegay in ciidamada ammaanka Puntland ay ka xireen masaajidka Salaaxuddiin, is-rasaasaynta kaddib.
Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug Jaamac Maxamed Axmed Sandaqad oo la hadlay warbaahinta ayaa ka gaabsaday sababta dadkaasi loo xiray, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay inay wadaan baaritaanno.
Masaajidka Salaaxudiin waxaa dhowr jeer oo hore ayaa la soo weraray iyadoo agagaarkiisa dilal qorshaysan loogu gaystay dad rayid ah oo uu ugu dambeeyay ganacsade caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug .
Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.
info@allsomali24.com
webmaster@allsomali24.com
Short URL: http://allsomali24.com/?p=2049



















