Allsomali24.com  Madasha Wararka Soomaalida

Taliyaha AMISOM oo Beledweyne Booqday

Beledeyne (Allsomali24.com) Taliyaha ciidamada AMISOM Andrew Gutti iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta gobolka iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan ciidamada AMISOM eek u sugan magalada Beledweyne.

Wafdiga ayaa la sheegay inay Beledweyne u tageen qiimeynta xaaladda ammaanka ee magaalada iyo howlaha ciidamada AMISOM ee halkaasi ku sugan.

Taliyaha ciidamada AMISOM Anderw Gutti oo ka hadlay kulan ay wafdiga la qaateen mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afirka ayaa sheegay in ay soo dhamaatay keenistii ciidanka nabad ilaalinta ee Beledweyne, hadda kadibna ay si rasmi ah uga howlgalayaan magaalada.

Wuxuu sheegay in Beledweyne ay ka mid aheyd degmooyinkii mar hore la qorsheeyey in ay ciidamada AMISOM nabadgelyadeeda sugaan, wuxuuna kula dardaarmay dhinacyada uu la kulmay in ay wada-shaqeyn dhow yeeshaan iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo uu taliyaha AMISOM tago Beledweyne tan iyo markii ciidamada AMISOM ka socdo halkaas la geyeey.

Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.
info@allsomali24.com
webmaster@allsomali24.com

Short URL: http://allsomali24.com/?p=2031

Posted by on Nov 25 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Facebook Like Box

Allsomali24.com Banners and Videos



Daawo Heeso.



Photo Gallery