Allsomali24.com  Madasha Wararka Soomaalida

SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA. ▬ Jaceylka waalidka.

Inta badan caruurta marka ay yar yihiin waxay aaminsan yihiin in waalidkood uu xaasid ku yahay, kana soo horjeedo horumarkooda, balse taasi badalkeed waalidiintu waxay caruurtooda u qabaan jace

yl aan xad laheyn, waxayna ka fakaraan horumarka caruurtooda badalkii ay ka fakari lahaayeen horumarka naftooda.Hada ka hor ayaa wiil dhalin yara ah waxaa uu aad u dhibsaday aabihii, isagoo rumeysnaa in aabihiis uu caqabad ku yahay jiritaanka noloshiisa, sababtuna waxay tahay odayga caruur dhan wuxuu kalahaa wiilkaas kaliya, wuxuuna wiilkiisa ka codsaday in ay guri kuwada noolaadaan xitaa markuu guursado.

wiilka ayaa wuxuu u arkayay hadii uu guursado in ay haboon tahay in uu meel gaar ah dego, laakiin kama uusan fakarin in aabihiis kali yahay oo hooyadii ay mar hore geeriyootay, odaygana aysan u joogin caruur kale.

Maalintii dambe wiilkii wuxuu guursaday gabar uu jeclaa, guri ka fog halkii uu aabihii daganaa ayuu dagay, mudo ka dib waxaa loo dhalay wiil.

Gabadhii xaaskiisa aheyd oo ogeyd in wiilkana aabihii ka tala diiday ayaa markii ay umusha ka baxday waxay qaaday wiilkii yaraa waxayna u geysay hooyadeed, ninkii dhalinyarada ahaa markii uu habeenkii guriga yimid ayuu wuxuu arki waayay wiilkii yaraa ee uu dhalay, asagoo argagaxsan ayuu xaaskiisa waydiiyay halka ay wiilka geysay.

Gabadhii ayaa ugu jawaabtay gacaliye waa naga fogeeyay cunuga yar si aan labadeena nolosha ugu raaxeysano, oo hoyadey ayaan u geeyay, ninkii dhalin yarada ahaa ayaa qeyliyay oo afka furtay isagoo dhahaya “maxay tahay raaxada aad sheegeyo, aniga oo aan wiilkeyga arkin nolosha dhadhan iima laha xitaa caawa ma seexan karo waa inaa hada si dhaqso ah u keentaa.”

gabadhii ayaa ugu jawaabtay ka waran wiil 40 maalin kaliya dunida joooga ayaa sidaa ugu waalaneysaa, ma qiyaasi kartaa aabihii ku dhalay ee dhowr iyo labaatanka sano ku soo korinayay ee aad cidlada uga tagtay xaalada uu ku sugan yahay!!!!

Wiilkii ayaa garowsaday qaladkiisa, subaxdiiba waxay meel wada dageen aabihii iyo familkiisa cusub.

Faa’iido: marna ma dareemi karno jaceylka ay waalidkeen noo qabaan ilaa aan caruur dhalno.
Allahayow waalidkeen xifdi una naxariiso oo Janatul Firdows gee.

Waxaa Qoray: Cabdijaliil Maxamed Carab.
abdeljalil6@gmail.com

Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.
info@allsomali24.com
webmaster@allsomali24.com
 

Short URL: http://allsomali24.com/?p=2011

Posted by on Nov 22 2012. Filed under Dhacdooyinka, Sheeko & Qiso. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA. ▬ Jaceylka waalidka.”

  1. fodcade

    Waasax walal arinta ad shekten

Qormadaada

Facebook Like Box

Allsomali24.com Banners and Videos



Daawo Heeso.



Photo Gallery