Ahmiyada Muuska iyo faaidooyinkiisa by Qalinkii maxamed amiin
Khartoum (allsomali24):
Soomaaliya waxyaalaha dunida ku taqaan waxaa ka mid ah muuska marka laga hadlaayo dhanka beeraha dhulkeena waxaa laga helaa sadax nooc oo muus ah waxayna kala yihiin muus bakeeni muuska sokorow iyo muuska caadiga ah dalkeena wuu ku haboon yahay beerashada muuska hadaba gumaystihii talyaaniga ( Italy) waxa uu dalkeena soo giliyay dicaayad uu ku ceebeenayo muuska soomaaliya asigoona leh waxa uu u daran yahay goryaanka caloosha insaanka ku jira isagoo kasamayay qiso ,qisadana waa sida tan:
Sarkaal ka mid ah saraakiishii talyaaniga ayaa waxa uu kusoo wareegay dhulka beeraha waxa uuna arkay muus aad u macaan waxa uu yiri ( beelo banana) waxa uu soo rartay gaari iska roge oo muus ka buuxa waxa uu baabuurka ka fuulay bagaaliyaha si uu u cuno sidii uu isugu daldalaaye ayuu gaariga ka dhacay malaha macaan kiisa ayuu la saqraamay waxa uu yiri ( bastaardo banana ) asigoo caynaya si dhibka gaaray sarkaalkas loo daboolo ayuu talyaaniga diyaacado badan keenay hadaba aan idin xasuusiyo faa,iidada uu leeyahay muuska :
Muuska aad cuntaa waxa uu kaa fogaynaysaa in aad isbitaal aado calashan waxaa ku jira macaadin vitamins protein carbohaydrates calcium sodium phosphor magnesium Manganese zinc Potassium caruurtana waa lasiin karaa si ay u helaan macaadintas aan soo sheegnay 2 xabo oo aad cuntaa waxa ay ku siinaysaa awood ama energy gaaraya 90 daqiiqo waxa uuna daawo u yahay ama u fiican yahay:-
1: murugada ayuu yareeyaa waxaa laga helaa maado la dhaho triptovan oo jirka murugadiisa yaraysa.
2:dhiiga ayuu xoojiyaa wareegiisana si fiican ayuu uga qayb baqaataa.
3:xawaaraha dhiigana wuu yareeyaa faqriga dhiigana wuu ka hortagaa.
4: waxoo kaloo ka hortagaa yaraynta cusbada in jirka ku badato taasoo keeni karta dhiikar.
5:morning sickness taaso ah in aad subaxii xanuun dareento halka muqdisho dagmooyinka qadiimka ah laga isticmaalo qahwo iyo muus subaxii.
6:waxoo kaloo ka hortagaa waxyeelada kaneecada sida malariya.
7:maskaxdana wuu dajiyaa nashaad ayuuna siiyaa maskaxda.
8:ulcers ama boogta gaastarikaa daawo ayuu u yahay.
9:waxa uu yareeyaa kuleelka jirka taasoo ilmaha caloosha ku jira uu diirimaad siiyo.
10:waxa uu isla simayaa garaaca wadnaha iyo biyaha jirka ku jir.
11:jirkana liisho ayuu ka dhiga.
12: kiliyaha wuu u wanagsan yahay.
13:cudurada maqaarkana wuu ka hortagaa sida ( gout).
W/Q: maxamed amiin
khartoum,sudan.
Short URL: http://allsomali24.com/?p=1953




















