(DAAWO VIDEO-GA) Aabe Soomaaliyeed oo dilay wiil yar oo uu adeer u ahaa!!

Bixid, Cali Maxamed Maxamuud oo a Aabaha Soomaaliyeed ee dilay wiilka yar Cabdifataax Maxamuud oo uu adeer u ahaa
BUFFALO, N.Y (Allsomali24): Dhacdo fool xun oo dadkii goobjoog ka ahaa aad uga naxay ayaa ka dhacday magaalada BUFFALO, New York ee dalka Mareykanka, kaddiib markii Aabe Soomaaliyeed uu dilay wiil uu adeer u ahaa oo dhashay xaaskiisa.
Cali Maxamed Maxamuud, waa Aabaha dilka u geystay wiil yar oo 10 sano jir ah, waxeyna maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ay ku xukuntay 25 sano oo xarig ah, kaddib markii ay ku cadaatay in uu dilkaasi uu geystay.
41 sano jirka dilka u geystay wiilka yare ayaa la sheegay in uu si arxan darro ah u garaacay, kaddibna dhaawac culus oo gaaray wiilka uu geeriyooday.
Waxaa la sheegay in Aabaha Soomaaliga ah oo sida arxan darrada ah u dilay wiilka uu adeerka u ahaa oo dhashay xaaskiisa ka hor inta uusan garaacin in uu afka kaga buuxiyay iskaalshooyin badan kaddibna uu ku sharooteeyay, hadane uu gacmaha iyo lugaha kaga xiray fiilooyin.
Aabaha dilka geystay ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay in uu aad uga xun yahay sida lama filaanka ah ee uu ku dhintay wiilka uu adeerka u ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdifataax Maxamuud, isagoo tilmaamay in ujeedkiisu aanay aheyn in uu dilo wiilkaasi yare balse ay arrinta sidaasi ku dhacday.
Maxkamadda ku taalla magaaladda BUFFALO, N.Y ee dalka Mareykanka ayaa Aabaha Soomaaliga ah ku xukuntay 25 sano oo xarig ah, kaddib markii ay ku caddaatay in uu dilkaasi geystay.
Shukri Bile, waa hooyada dhashay wiilka la dilay, iyadoo xilliga ay dhaceysay dhacdadaasi oo aheyd 17-ka April ay ku maqneed shaqo nadiifin ah oo ay ka heysay xafiiska ku yaalla magaalada Buffalo.
Halkan ka Daawo VIDEO-GA Aabaha Soomaaliyeed ee dilay wiilka uu Adeerka u ahaa!
Halkan ka sii akhri warbixinta oo English ah (Click Here to see this news for English version).
Qore: Cabdifataax Xasan Maxamed
cfatax@hotmail.com
Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.
info@allsomali24.com
webmaster@allsomali24.com
Short URL: http://allsomali24.com/?p=1905



















