Allsomali24.com  Madasha Wararka Soomaalida

Sakariye iyo Cabdiweli u gargaar, waa labo wiil oo ku xannuunsan Muqdisho (Sawirro)

U gargaar walaal wiilkan yar ee ku xannuunsanaya magaalada Muqdisho

Muqdisho (Allsomali24): Labadan wiil ee Caruurta ah ee ku xanuunsan in mudo ahba Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu kala magacaabaa C/weli Xuseen Suldaan Cabdi oo 4 Sano jir ah  iyo  Zakariye Yacquub Cabdi, da,diisana waa 3 sano jir,labadan Wiil oo isku qoys ka soo jeeda ayaa mudo sanad ka badanba waxaa haya Cuduro ay ka mid yihiin Pralass iyo Xanuunka Nerfayaasha  ah ilaa labo Sanabo hayey.

Cudurada haya labadan Wiil oo u baahan in ay helaan dhaqaatiir Caalami ah ayaa keenay in noloshoodu ay adkaato,islamarkaana Waalidiintooda oo ka soo jeeda Qoysas  Sabool ah ay awoodi waayeen in Caruurtani ay helaan Adeeg Caafimaad,maadama Waalidiinta dhaley Caruurtan Xilligan ay la Daala dhacayaan daruufo nolol xumo,islamarkaana ay ku adag tahay xitaa bixinta Nolol Maalmeedka,iyaga iyo Caruurtooda.

Suldaan Cabdi Nirgoole oo ah Awoowaha labadan wiil ee Xanuunsan ayaa sheegay in xanuunka haya Labadan Wiil in ay ku dhasheen,islamarkaana gudaha dalka wax looga qaban waayey,waxayna u baahan yihiin ayuu yiri Dhaqaatiir Caalami ah oo Qaliino ku sameysa jirkooda,kuwaasi oo uu sheegay in ay ku sugan yihiin Magaalooyinka Nairobi iyo Adis Ababa,isagoo tilmaamayna in ayan awoodin Dhaqaalahii ay ku bixin lahaayeen Caafimaadka Caruurtaasi.

Si labadan Wiil ee Caruurta ah wax loogu qabto ayaa waxaa laga codsanayaa Ummada  Soomaaliyeed oo ku nool dalka Gudahiisa iyo Dibadiisaba in ay gacan ka geystaan sidii Walaalahooda dhibaateysan ay gacan ugu fidin lahaayeen,Ogow waxii aad Sadaqo ula baxdidna in ay kaaga horeyso Aakhiro.

U gargaar walaal Sakariye oo ku xannuunsanaya magaalada Muqdisho

U gargaar walaal Sakariye oo ku xannuunsanaya magaalada Muqdisho

U gargaar walaal Cabdiweli oo ku xannuunsanaya magaalada Muqdisho

U gargaar walaal Cabdiweli oo ku xannuunsanaya magaalada Muqdisho

FG:Haddaba haddii aad doonaysid in aad ka qeyb qaadatid Gargaarka loo fidiniyo labadan Wiil ee Xanuunsan,waxii Sadaqo ah ee aad awoodid ku Hagaaji .

Yaquub Cabdi Isaaq

Cellphone. 0025261-5559443

                00252699737741

E-Mail: yakoub_43@yahoo.com

E-Mail  yakoub43@gmail.com

iyo Suldaan Cabdi Maxamed Nirgoole

Telefoonkiisa:  00252618527958

 

Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.
info@allsomali24.com
webmaster@allsomali24.com

Short URL: http://allsomali24.com/?p=1296

Posted by on Nov 7 2012. Filed under Arrimaha bulshada, Dhacdooyinka, Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Facebook Like Box

Allsomali24.com Banners and Videos



Heesta: Haddii lagu doortay!

Photo Gallery