Allsomali24.com  Madasha Wararka Soomaalida

(Daawo Sawirrada) Dadkii ka dambeeyay dilkii marxuum Sh. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

Allaha u naxariisto, Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

Boosaaso:-Xafiiska warbaahinta Allsomali24.com ayaa waxaa u suurta gashay inay soo gaaraan magacyada iyo weliba sawirada dadkii dilay allaha u naxariistee Sheekh. Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo lagu dilay magaalada Boosaaso  05 December ee sanadkii tegay 2011-ka .

Mareegta Allsomali24.com ayaa soo xiganeysa shabakadda lagu magacaabo Halgan.net oo si rasmi ah u go,aansatay in sawirada dhagarqabayaashii dilka geytay sawiradooda iyo da’dooda la faafiyo inagoo sheegi doona qof walba wax uu  ahaa , inta qof ee dilka loo hayo kooxda ay ka tirsanaayeen haddii alle idmo dadka Muslimiinta ee Soomaaliyeed ee duniada daafa heeda jooga ayaa waxaa ay ku farxi doonaan warbixintaan aan  ka hellnay xalay gudi baaritaan oo loo xilsaaray dilkii Sheekh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ka kooban culimo iyo khubaro loo xushay baaritaan Sheekh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan gudigaas oo howsha loo igmada maalintii la dilay Sh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan ka dib.

Hoos ka Akhriso warsaxaafadeedka ay soo saareen gudi madax banaan oo loo saaray dilkii Sheekh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Warsaxaafadeed

Ku: Dhammaan Warbaahinta ka hawl-gala deegaamada Soomaliyeed

Ujeeddo: War-saxaafadeed ku aadan dilkii Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

Guddiga madaxa-banaan ee Baarista dilkii Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan waa guddi ka kooban culimo, aqoonyahano iyo dad khubaro ah, waxaana la aasaasay maalintii la dilay Sheekha Alle ha u naxariistee, oo ahayd 05 December 2011.Guddiga madaxa-banaan ee Baarista dilkii Sheekha waxay shacabka Soomaaliyeed iyo warbaahinta caalamkaba u soo bandhigayaan warbixintaan oo ka hadlaysa dilkii Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Taariikhdu markay ahayd 05/12/2011, salaadii subax kadib ayaa ugu yaraan labo nin oo baastoolado ku hubeysan waxay toogteen Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, Allaha u naxariistee, isaga oo ka soo baxay masjidka Xasan Ibni Cali ee xaafadda Biyo-kulule ee magaalada Boosaaso.

Ka dibna raggii falka geystey markiiba waxay ka baxsadeen goobta dilku ka dhacay.

Baaritaan xeeldheer ka dib, Ilaahay fadligiis guddiga madaxa-banaan ee Baarista dilkii Sheekha waxaa u suurta-gashay inay aqoonsadaan kooxdii dilka gaysatay, dabadeed ciidanka booliiska magaalada Boosaaso waxay gacanta ku dhigeen 15 December 2011 gabadhii masuulka ka ahayd gurigii ay deganaayeen labo ka mid ah raggii falka geystey, gabadhaas oo lagu magacaabo: Ruqiyo Xasan Maxamed Yuusuf (Amooreeye), da’deeduna tahay 30 Jir, gabadhu waa xaaska masuulkii amniyaadka xarakada Al-shabaab ee magaalada Boosaaso: Cismaan Cadirisaaq Siciid Cabdi (khaalid), da’diisuna tahay 20 Jir, wuxuuna ahaa hogaamiyihii tooska ahaa ee kooxdii Sheekha dishay. Ruqiyo waxaa horey uga geeriyooday Masuulkii amniyaadka xarakada Al-shabaab ee Puntland: Cabdifitaax Maxamuud oo ku geeriyooday qarax uu diyaarinayay magaalada Laascaanood sanadkii 2009.

18kii December 2011 habeen saq dhexe ayaa ciidanka Booliiska Boosaaso waxay u dheceen guri ku yaala xaafadda Raf iyo raaxo ee magaalada Boosaaso, gurigaaas oo xarun u ahaa kooxda amniyaadka ururka Al-shabaab ee magaalada Boosaaso, gurigaas waxaa laga soo qabtay saddex ka mid ah kooxdii amniyaadka xarakada Al-shabaab ee ka dambeysay dilkii sheekha, saddexdaas nin oo kala ah:

1- Maxamed Abshir Cartan, da’diisu tahay 20 Jir, waana Masuulkii xaruntaas.
2- Axmed Maxamed Cali Cismaan (Mustafe), da’diisu tahay 18 Jir, kana mid ahaa kooxdii dilka fulisay.
3- Cabdirixmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle), da’diisuna tahay 20 Jir, kana mid ahaa kooxdii dilka fulisay.Nasiib darro waxaa goobtii ka fakaday Cabdirixmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle) oo cagihiisa ku cararay kana mid ahaa kooxdii fulisay dilka sheekha .

19 December 2011 waxaa ciidanku gacanta ku soo dhigeen labo nin oo ka mid ah kooxda amniyaadka xarakada Al-shabaab ee ka hawlgali jiray magaalada Boosaaso, wadashaqayn adagna ay ka dhexeysay kooxda falka dilka geystay, waxayna kala yihiin:

1- Cabdiqani Nuur Qorane, da’iisuna tahay 22 Jir.
2- Cabdirixmaan Maxamed Cali Ibrahim, da’diiisuna tahay 25 Jir.Bilawgii bishii Janaayo ee 2012 waxaa magaalada Garoowe gacanta lagu dhigay eedaysane: Keyse Axmed Aadan, da’iisuna tahay 26 Jir, Keyse wuxuu ka tirsanyahay kooxda amniyaadka xarakada Al-shabaab wuxuuna xirrir adag la lahaa kooxda falka fulisay.

17, February 2012 waxaa ciidanka booliisku magaalada Boosaaso ku qabteen eedaysane: Maxamed Maxamuud Maxamed (Saacadoole), da’diisuna tahay 21 Jir, ninkaan oo ahaa madaxa qaybta madax-jabinta, Amniyaadka ururka Al-shabaab ee ka hawlgala magaalada Boosaaso, wuxuuna ka mid ahaa kooxdii fulisay dilkii Dr. Axmed Xaaji.

Waxaa ciidanka booliisku ku guuleystey inuu gacanta ku dhigo Bastooladihii lagu dilay Dr. Axmed Xaaji iyo waxyaalaha qarxa oo farabadan, qalabkaas oo guriga uu ku xabaalnaa uu ciidanka booliiska uu tusay Maxamed Maxamuud Maxamed (Saacadoole). Guriga qalabkaas lagu hayay wuxuu u dhawaa goobta lagu dilay Sheekha, wuxuuna gabbaad u ahaa qayb ka mida ragga Sheekha diley.

Baaris dheer ka dib dhammaan eedaysanayaasha kor ku xusan waxay qirteen, kuna caddaatay inay xubno firficoon ka yihiin ururka Al-shabaab qaybta Amniyaadka, qayb ka mid ah eedaysanayaasha kor ku xusana waxay qirteen inay wax ka fuliyeen falkii foosha-xumaa ee lagu dilay Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Haddaba, Guddiga madaxa banaan ee Baarista dilkii Dr. Sheekh Axmed Xaaji waxay caddaynayaan in kooxdii ka dambeysay dilkii Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Allaha u naxariistee ay ka wada tirsanaayeen ururka Al-shabaab gaar ahaan kooxda amniyaadka ee ka hawl-gali jirtay magaalada Boosaaso, uuna madax u ahaa Cismaan Cadirisaaq Siciid Cabdi (Khaalid).

Waxaa xusid mudan inay jiraan Shan xubnood oo ka tirsan Kooxda falka geystay oo lagu raad-joogo waxayna kala yihiin:

1. Xassan Jaamac Xassan (Xassan Surato) madaxa Amniyaadka Al-shabaab ee Puntland

2. Mawliid Maxamed Aadan (Gaashaan/Abdiwali) kuxigeenka madaxa Amniyaadka Al-shabaab ee Puntland.

3. Cismaan Cadirisaaq Siciid Cabdi (Khaalid) madaxa Amniyaadka Al-shabaab ee Boosaaso, isla markaana ahaa madaxa kooxdii dilka gaysatay.

4. Cabdirixmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle) ka mid ahaa xubnihii gacanta dilka gaystay.

5. Cismaan Axmed-Qaasim Aw-maxamed (Ayuub) ka mid ahaa xubnihii gacanta dilka gaystay.

Intaa ka dib guddiga madaxa-banaan ee Baarista dilkii Dr. Axmed Xaaji waxay si buuxda u caddaynayaan in lagu guuleystay baaritaankii guddigu wadey muddada dheer, isla markaana gacanta lagu hayo qayb ka mida dhagar-qabayaashii geystay dambigaas fooshaxun, kuwa aan weli la qabana si buuxda loo wada aqoonsaday, Ilaahayna waxaa laga rajeynayaa inuu dhaqso u soo gacan-galiyo.

Gabagabadii guddiga madaxa-bannaan ee baarista dilkii sheekhu waxay uga mahadcelinayaan dowladda Puntland iyo laameheeda amniga siddii ay u soo qabqabteen gacan-ku dhiiglayaashii Sheekha dilay, wuxuuna guddigu si gaar ah uga codsanayaa dowladda Puntland in ay caddaaladda horkeento dambiilayasha la hayo si guudna wuxuu guddigu uga codsanayaa Shacabka Puntland Dawladda Federalka ee Soomaaliya iyo Dowladda Somaliland iyo hay’adaha caddaaladda ee caalamiga ah inay gacan ka gaystaan qabqabashada dambiilayaasha aan weli la qaban. Waxaa kale oo guddigu u mahad celinayaa dhamaan dadkii faraha badnaa ee ku caawiyey hawsha baaritaanka iyo wixii la xiriiray.

Waxaa diyaariyey:

Guddiga Madaxa-banaan ee Baarista
dilkii Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan
Boosaaso – Somalia

Allsomali24.com, Madasha Wararka Soomaalida.
info@allsomali24.com
webmaster@allsomali24.com 

Short URL: http://allsomali24.com/?p=978

Posted by on Oct 30 2012. Filed under Arrimaha bulshada, Dhacdooyinka, Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Facebook Like Box

Allsomali24.com Banners and Videos



Daawo Heeso.



Photo Gallery